Raadgoob.com
November 21, 2017 - Written by admin

Tababare Zinedine Zidane ayaa qorsheynaya inuu ciyaartoy badan ka diro Real Madrid iyadoo xiddiga reer Wales Gareth Bale uu ka mid ah sideed ciyaaryahan oo ka tagaya Santiago Bernabeu.

Macalinka reer France ayaa cadaadis ku jira ka dib markii ay xilli ciyaareedkan ku bilowdeen si musiibo ah taasoo keentay inay 10 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaamineysa horyaalka La Liga ee Barcelona.

Los Blancos ayaa sidoo kale ku dhibtootay difaacashadeeda koobka Champions League, iyadoo tababare Zidane uu wadahadal muhim ah la yeeshay madaxweynaha kooxda Florentino Perez.

Waxa uu ku wargeliyay madaxweynaha Real Madrid ciyaartoyda aan qeybta ka aheyn qorshayaashiisa Bernabeu, sida ay sheegtay shabakada Isbaanishka ee Diaro Gol.

Gareth Bale ayaana hogaaminaya liiska xiddigaha loo arko inay dheeri ku yihiin kooxda, iyadoo Manchester United ay diyaar u tahay inay la wareegto xiddiga reer Wales.

Lucas Vazquez iyo Dani Ceballos ayaa kooxda uga tagu kara amaah bisha Janaayo iyagoo amaahda ku maqnaanaya ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Dhanka kale Gareth Bale, Luka Modric, Marcos Llorente, Kiko Casilla, Achraf iyo Vallejo ayaa dhamaantood la dhigi doonaa suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

COMMENTS
Latest News