Cabdiraxmaan Cirro Oo Sheegay Inuu Qaatay Go’aan Qadhaadh Isla Markaana Aqbalay Natiijada Doorashada

  • Hargeysa (Raadgoobnews)-Murashaxa madaxwayne ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay go’aan qadhaadh kaasoo uu sheegay inuu dalka ku badbaadinayo.
    Guddoomiye Cirro oo ay hareero fadhiyaan masuuliyiinta xisbiga ugu sarreeya isla markaana uu garab taagan yahay kuxigeenkiisa Maxamed Aw Cali ayaa sheegay inuu aqbalay natiijada doorashada oo uu ku tilmaamay mid gacan ku samays ah, “Waxaan go’aansaday inaan natiijada ganac ku samayska ah ee la dhoob-dhoobay aan aqbalo. Sidii uu madaxwayne Daahir Riyale hore u yidhi gacantayda Somaliland ku bur-buri mayso, aniguna waxaan leeyahay damacayga dalkayga u bur-burin maayo dadkaygna dhiigooda u daadin maayo, waxaanse ka baqayaa inay gacanta KULMIYE ku bur-burto.”
    .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: