Raadgoob.com
Madaxwayne ku xugeenkii hore ee dalka zinbabwe Mnangagwa oo dib ugu laabtay dalkiisa si uu ubadalo madax waynaha haatan is casilay
November 22, 2017 - Written by admin

hargaysa (RGN) Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwe ayaa dib ugu laabtay caasimadd dalkaaasi ee Harare, isaga oo loo diyaarinayo in loo dhaariyo xilka madaxweynenimada Zimbabwe kadib iscasilaaddii Robert Mugabe.

Mnangagwe ayaa u baxsaday dalka Koonfur Afrika labo todobaad ka hor, kadib markii Mugabe uu xilka ka qaaday, maanta ayuuna dalkiisa ku laabanayaa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xisbiga ZANU-PF.

Xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa Mnangagwa u doortay in uu noqdo madaxweynaha xisbiga, waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu noqdo madaxweynaha Zimbabwe kadib markii uu xilka ka dagay Robert Mugabe oo dalkaas maamulayay muddo 37 sano ah.

COMMENTS
Latest News