Natiijooyinkii Kulamadii La Ciyaaaray Oo Dhamaystiran

HARGAYSA (RGN) Kooxda Manchester City ayaa sii wadata guulaha xidhiidhka ah ee ay tartamada oo dhan ka gaadhayso waxayna kooxda Guardiola 1-0 ku garaacday kooxda Feyenoord. Kulankan oo ahaa mid ay Manchester City natiijadiisa ayna tartan ahaan ugu baanayn balse ay ku doonaysay in ay kaalinta kowaad xaqiijisato ee groupkeeda ayuu Raheem Sterling u dhalyay gool soo daahay.

Laakiin Tottenham ayaa u quus goysay kooxda Borussia Dortmund iyada oo markale baday guuldaro xanuun badan.Dortmund ayaa guuldaro 2-1 ahi ay ku soo gaadhay Signal Iduna Park iyada oo hore isla garoonkeeda ay Real Madrid ku garaacday. Dormund ayaan hal guul soo gaadhin shantii kulan ee ay ka soo ciyaartay Champions Leaque xili ciyaareedkan taas oo keentay in Tottenham iyo Real Madrid ay si sahlan groupkan kaga soo baxaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: