Gargaarkii ugu horreeyey ee cirka lagu geeyo oo ka degey Sanca

hargaysa(RGN) Duullimaadyadii ugu horreeyey ee gargaar sida, tan iyo markii xulafada Sacuudigu horkacayo ay xayiraadda ku soo rogeen deegaannada ay fallaagadu haystaan, ayaa ka degay caasimadda Yemen ee Sanca.

Waxay isugu jiraan duullimaad Qaramada Midoobay ay ku geysay 1.9 Malyan oo ah tallaalka Meritxell Relano, sida uu sheegay wakiilka Unicef ee Yemen.

Seddex dayaaradood oo kale oo sida shaqaalaha gargaarka ee Qaramada midoobay iyo shaqaalaha laanqayrta cas ee caalamiga ayaa iyaguna halkaa tegey, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Xulafada ayaa xayiraadda ku soo rogay 6 Nofembar, laba maalmood ka dib markii fallaagadu ay gantaal ku rideen caasimadda Sacuudiga, Riyaad.

Gantaalka oo ay tureen fallaagada Xuutiyiinta ayaa looga hortagay meel ku aaddan dusha madaarka caalamiga ah ee Riyaad.

Imaanshaha duullimaadyada gargaarka ayaa ku soo beegmaya seddex maalmood ka dib markii xulafadu ay ku dhawaaqday inay dib u furayaan magaalada dekedda leh ee badda cas saaran ee Xudaydah, si loogu adeegsado gargaarka daruuriga ah, iyo garoonka dayaaradaha ee Sanca, si ay u tagaan duullimaadyada gargaarka sida.

Saraakiishu waxay sheegeen in uusan jirin Markab gargaar sida oo weli ku soo xirtay Xudaydah.

Dib u furiddan ayaa daba socotay dib u eegid ay xulafadu sameeyeen, ayagoo xaqiijinaya in uusan jirin hub soo gaaraya fallaagada.

Waxaa la filayey in shixnadda ugu horraysa ee gargaarka ay timaado Khamiistii, laakin waxay u muuqataa in ay dib u dhacday bacdamaa ay hay’adaha gargaarku la xaajoonayeen xoogagga isbahaysiga.

Shaqaalaha gargaarga waxay ka digayaan in duullimaadyo kaliya aysan ku filnayn in la dhameeyo mushkiladda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: