Real Madrid ayaa guul muhiim ah Santiago Bernabeu kaga gaadhay kooxda Malaga oo si wayn ugu dagaalantay in ay kulankan dhibco ka hesho iyada oo laba jeer Real Madrid ciyaarta kaga daba timid. Karim Benzema ayaa dhaliyay goolkii furitaanka ee kulankan laakiin D. Rolán ayaa Malaga u keenay goolka barbarha laakiin Casemiro ayaa markale Real Madrid hogaanka ugu soo celiyay goolka laabad balse G. Castro ayaa markii labaad Malaga ciyaarta dib ugu soo celiyay.

    Xili waqtigu uu ku sii adkaanayay Real Madrid ayay heshay rekoodhe waxaana markii hore Crisitainao Ronaldo darbadiisa rekoodhe badbaadiyay goolhayaha Malaga laakiin xidiga ree Portugal ayaa jawaab deg deg ah bixiyay si uu kubbada soo booday goolka saddexaad ee Madrid uu ugu dhaliyo. Real Madrid ayaa 7 dhibcood si ku meel gaadh ah ugu soo kaabtay dhibcaha ay hogaanka La Liga u jirto ka hor kulanka ay Barca la ciyaari doonto Valencia.

    Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood ee kulankii Bernabeu iyo waliba xidigii garoonka bandhiga ugu fiican ka sameeyay.

    XIDIGII GAROONKA: Goolhayaha kooxda Malaga ee Roberto Jiménez ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu Real Madrid fursado fiican ka beeniyay isla markaana uu Cristiano Ronaldo ka joojiyay rekoodhihii uu tuuray inkasta oo Ronaldo uu kubbadii ka soo booday ku dhaliyay goolka ay Madrid guusha ku gaadhay. Laakiin Roberto Jiménez ayaa sameeyay bandhig wayn oo uu ku helay xidigii garoonka ugu fiicnaa.

    Marka laga yimaado xidiga garoonka ugu fiicnaa ee Roberto Jiménez waxaa kulankan qiimayn sare ka helay Karim Benzema oo ka baxay abaartii gool dhalinta La Liga si la mid ah xidiga kooxda Malaga ee keko laakiin waxaa kulankan si buuxda ugu fashilmay Isco kaas oo la badalay markii uu saamayn ciyaarta ku yeelan waayay.

    a Koox