Raadgoob.com
Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Valencia & Barcelona Barbaraha Galeen.
November 27, 2017 - Written by admin

HARGAYSA (RGN)

Kooxaha Barcelona iyo Valencia ayaa babraro 1-1 ah dhibcaha ugu qaybsaday Mestalla Stadium iyada oo Valencia gool ku hormartay kaas oo uu dhaliyay Rodrigo laakiin Jordi Alba ayaa kooxdiisa Barcelona u keenay goolka barbaraha laakiin waxaa kulankan hadheeyay muran wayn kadib markii qaybtii hore ee kulankan gool cadaan ah laga diiday Barcelona kaas oo uu Lionel Messi dhaliyay.

Barcelona ayaa kulankii labaad ee La Liga ah xili ciyaareedkan dhibco lumisay inkasta oo ay sii ilaashatay rekoodhka guuldaro la’aanta balse kooxda Valencia ayaa muujisay sababta ay kaalinta labaad ugu jirto waxayna sii joogtaysay afartii dhibcood ee ay hogaanka la Liga u jirtay. Valencia ayaa dhinaceeda sii adkaysatay in aan 13 kulan oo la Liga ah xili ciyaareedkan ayna wax guuldaro ahi soo gaadhin.

COMMENTS
Latest News