Weeraryahanka Reer Wales Gareth Bale Oo Noqday British-ka Ugu Safashada Badan Real Madrid Isagoo Dhaafay Kabtankii Hore England David Beckham.

HARGYASA(RGN)

Weeraryahanka Real Madrid Gareth Bale ayaa muddo kadib dib ugu soo laabtay garoomada kulankii ay barbaraha la galeen kooxda yar ee Fuenlabrada lugta labaad wareega 32-aad ee koobka Boqorka [Copa del Rey], wuxuuna kulankii xalay noqday British-ka ugu safashada badan kooxda Los Blancos.

Hogaamiyaha ugu wanaagsan dalka Wales Gareth Bale ayaa ciyaaray 60-daqiiqo kulankii xalay ee Fuenlabrada, wuxuuna u ahaa kulankii 160-aad ee Los Blancos isagoo dhaafay rikoorkii dhanka safashada ee u yaalay David Beckham kaas oo saftay 159-kulan.

Gareth Bale wuxuu sanadkii 2013 yimid garoonka Santiago Bernabeu isagoo u dhaliyay 70-gool, wuxuuna kooxda kula guuleystay 11-koob oo ay ku jiraan sadex Champions League.

Beckham wuxuu kasoo muuqday Real Madrid intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2007, wuxuuna guud ahaan dhaliyay 20-gool oo qura kaliya laba koob ayuuna la qaaday oo ah La Liga iyo Spanish Super Cup.

Xiddiga sadexaad ee ugu safashada badan Real Madrid marka laga hadlo xidigaha kasoo jeeda dalweynaha Britain waa Steve McManaman kaas oo 158-jeer kasoo muuqday kooxda ka dhisan caasimadda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *