Raadgoob.com
Trump oo sii faafiyey muuqaallo Islaam nacayb ah
November 29, 2017 - Written by admin

haragaysa(RGN)

Donald Trump wuxuu Twitterkiisa ugu sii gudbiyey dadka seddex fiidiyow oo ay soo bandhigeen koox British ah oo midigta fog u janjeerta.

Kan hore wuxuu ka yimid Jayda Fransen, oo ah ku xigeenka hogaamiyaha Britain First, kaasoo ay ku sheegaysay inuu muujinayo muhaajir muslim ah oo weeraraya nin biro cuskanaya.

Kaas waxaa ku xigay laba fiidiyow oo kale oo ah dad ay Ms Fransen ku sheegtay inay muslimiin yihiin.

Britain First waxaa 2011 aasaasay xubno ka tirsanaan jiray xisbiga midigta fog ee British National Party (BNP).

Kooxda waxay soo jiidatay indhaha dadka isticmaala baraha bulshada, ayagoo soo dhiga macluumaad muran dhaliya oo ah wax ay u arkaan “islaamaynta UK”.

Waxay diyaariyeen kooxo ka qayb gala doorashooyin Yurub ka dhaca oo looga soo horjeedo dadka soo galootiga ah iyo siyaasadaha ka hor jeeda ilmaha la iska soo rido, laakinse weli wax kursi ah kuma aysan guulaysan.

Waxay kaloo u tartameen doorashadii dhawayd ee duqa magaalada London, waxayna heleen 1.2% codadkii la bixiyey.

Fiidiyowga asalka ah waxaa dadka la wadaagtay Ann Coulter oo ah gabar Maraykan ah oo taxliilisa arrimaha muxaafidka, taasoo Mr Trump uu ka mid yahay dadka ku xiran barteeda Twitter.

Ms Fransen waxaa barteeda Twitter ku taxan 52,000 oo qof.

COMMENTS
Latest News