Raadgoob.com
May: Trump wuu ku khaldanaa sii faafinta muuqaallada Islaam naceybka
November 30, 2017 - Written by admin

 

hargaysa (rgn)

Ra’iisalwasaaraha UK Theresa May ayaa sheegtay in Donald Trump uu ku khaladanaa sii faafinta muuqaallo Islaam naceyb xambaarsan oo ay Twitter-ka ku daabaceen qolyaha garabka Midig ee Britain.

Balse waxay carabka ku adkeeysay in sii socoshada ‘xiriirka gaarka ah’ ee ka dhexeeya Britain iyo Mareykanka uu yahay mid labada dalba ay dani ugu jirto.

Waxay sidoo kale ku gacanseyrtay dalabayda ah inay baajiso booqasho rasmi ah oo uuTrump ku imaan doono UK sanadkan.

Waxay hadalkan ka jeedisay Jordan oo ay booqasho ku joogtay maanta.

Mar sii horreysay Donald Trump ayaa Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May u sheegay in ay diiradda saarto argagixisada UK ka dib markii ay ku dhaliishay in uu sii faafiyay muuqaaladaasi.

“Ha igu mashquulin ee diiradda saar kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah ee kharbudaadda ka wada Boqortooyada Ingiriiska,” ayuu Trump ku soo qoray Twitterka.

Muuqaalkan ayay onlineka soo dhigeen koox British ah oo dhanka midig u janjeera.

Afhayeen u hadlan May ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu madaxweyne Trump sidaa yeelo”.

Maraykanka iyo UK ayaa xulafo dhaw ah, badanaana waxaa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin “xiriir khaas ah”.

COMMENTS
Latest News