Maxay England ka filaysaa Koobka Aduun?

HARGAYSA (RGN)

Tababaraha kooxda England Gareth Southgate ayaa sheegay in kooxdiisa aysan koobka dunida iska aadi doonin iyadoon aan wax guullo ah ka keenin.

Isku’aadka koobka aduunka ayaa maanta soo baxaya. Waxuuna tartankani u noqonayaa tababare Southgate kii ugu weynaa ee uu kooxda ku hogaamiyo.

Kooxda England kama aysan gudbin tartamada waaweyn ciyaaraha adag. Waxaana ugu dambaysay ciyaar adag oo ay gudubto sanadkii 2006-dii.

Waxaa berrigaasi hogaaminayay kooxda England Sven-Goran Erikson.

Waxaa sidoo kale kooxda England ay ku guuldaraysatay inay ka gudubto isreebreebka wareega 16-ka koox marka la gaaro.

Tababare Gareth Southgate ayaa yiri ”Labadii tartan ee u dambeeyey waxaan la kulanay guuldarooyin”

Tababarayaal badan ayaa England soo maray sanadahan dambe kuwaasoo ku guuldaraystay inay kooxda meel fiican gaarsiiyaan.

Halka kuwo kalena shaqada looga eryey arrimo kale sida musuqmaasuq iyo wax isdamarin sida Sam Allardyce.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *