Liverpool Oo Xasuuq Wayn U Soo Gaysaatay Kooxda Brighton,

HARGAYSA(RGN)

Liverpool ayaa guul wayn oo aad xili ciyaareedkeeda muhiim ugu ah ka soo gaadhay kooxda garoonkeeda dhibta badan ku abuurta ee Brighton iyada oo Reds qaybtii hore ee kulankan laba gool ku dhalisay 79 ilbidhiqsi gudahood taas oo ka caawisay in ay cadaadiskii Brighton ku jabisay laakiin qaybtii danbe ee ciyaarta oo ay Broghton ku doonaysay in ay soo laabto ayay Reds markiiba heshay goolka saddexaad ee xaalada ugu sii xumaysay kooxda martida loo ahaa.

Roberto Firmino ayaa laba gool kulankan ka dhaliyay halka Emre Can uu goolka furitaanka u saxiixay kooxdiisa Reds laakiin dhamaadkii ciyaarta Philippe Coutinho oo kulankan wacdaro layaableh ka dhigay ayaa goolka afraad dhaliyay laakiin xidiga Brighton ee Lewis Dunk ayaa markale iska dhaliyay goolka shanaad ee Reds iyada oo Coutinho uu markale sabab u ahaa. Liverpool ayaa 5-1 ku soo xasuuqday kooxda Brighton waxayna Reds ku sii fadhiisatay kaalinta afraad ka hor kulanka Arsenal iyo Man United.

Tababare Jurgen Klopp ayay qasab ku noqotay in uu difaaca dhexe ka ciyaarsiiyo Emre Can kadib markii ay kulankan seegeen Joel Matip iyo Joe Gomez wuxuuna sidii kulamadii dhawaa looga soo bartay uu kaydka ku nasiyay Sadio Mane wuxuuna Klopp shaxdiisa ku sameeyay isbadal badan.

SHIXIHII RASMGA AHAA EE LABADA KOOXOOD:

BRIGHTON (4-4-1-1): Ryan (GK); Bruno (C), Duffy, Dunk, Bong; Knockaert, Stephens, Propper, Brown; Gross; Murray.

Kaydka: Krul, Kayal, Hemed, Goldson, Izquierdo, March, Schelotto

LIVERPOOL (4-3-3): Mignolet (GK); Alexander-Arnold, Can, Lovren, Robertson; Milner, Wijnaldum, Henderson; Coutino, Salah, Firmino

Kaydka: Karius, Sturridge, Grujic, Klavan, Mane, Oxlade-Chamberlain, Solanke

Liverpool ayaa qaybtii hore ee ciyaarta wax walba ka samaysay halka kooxda Brighton ay shaqada ugu badan ka dhigatay sidii ay goolkeeda u difaaci hayd. Mohamed Salah oo kulankan shaxda Reds ku soo laabtay ayaa si wayn cadaadis ugala kulamay ciyaartoy badan oo Brighton ah iyada oo lagu soo balimiyay halista kaga iman karta xidiga ree Masar.

DAQIIQADII 30 AAD Liverpool ayaa wax qabadkeedii garoonka u badashay goolka furitaanka kadib markii uu Emre Can gool madax ah ku dhaliyay kubbad uu Philippe Coutinho koorne ka soo tuuray wuxuuna xidiga ree Germany ee Emre Can oo difaaca dhexe ka ciyaarayay uu si fiican u garaacay goolhaye Mat Ryan iyada oo ciyaartu noqotay 1-0 ay Reds ugu danbayn ku jabisay difaacii Brighton oo shaqo adag qabanayay.

DAQIIQADII 31 AAD Liverpool ayaa si layaableh markiiba u heshay goolkeeda labaad iyada oo weerar olol ah ay soo qaadeen Mohamed Salah, Philippe Coutinho iyo Roberto Firmino waxaana sida ay u kala horeeyaan ay u soo wadeen shaqada iyada oo kubbada ay Salah iyo Coutinho ka soo shaqeeyeen uu Firmino goolka labaad ku dhaliyay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Reds markiiba hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Labada gool ee Liverpool waxaa u dhexeeyay 79 ilbidhiqsi oo kaliya laakiin waxaa cajiib noqotay in Coutinho uu laba daqiiqo oo isku xiga uu laba gool caawin u sameeyay kooxdiisa. Brighton oo si sahlan kubbada ku soo lumisay ayaa si lama filaan ah isku aragtay iyada oo laba daqiiqo gudahood 2-0 hogaanka ciyaarta looga qabtay.

Laakiin intii ay Mohamed Salay ku mashquulsanaayeen waxaa ka faa’iidaystay xidigaha kale ee Reds. Qaybtii hore ee kulankan Liverpool ayaa natiijo ayaan iyo ciyaar wanaag ahaanba ahayd kooxda ugu saraysay iyada oo boqolkiiba 68% ku haysay boosishanka isla markaana 2-0 hogaanka ciyaarta ugu xaragoonaysay. 79 ilbidhiqsi oo waali ah ah ayay Brigton isaragtay iyada oo 2-0 hogaanka looga qabtay.

Inkasta oo ayna Liverpool goolal u badalin kubbad hayntii badnayd ee ay qaybta hore soo bandhigtay haddana waxay awoodeen in ay laba gool ku heleen waqti kooban waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-0 ay Reds guul ugu taagnayd.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Brigton soo laabtay iyada oo doonaysay inay ciyaarta dib ugu soo laabto oo ay yarayso difaacii badnaa ee ay ku soo fashilantay qaybtii hore waxayna daqiiqadii 48 aad heleen fursad ay goolka furitaanka ugu dhawaadeen kadib markii uu Murray gool badbaadin layaableh ku qasbay Simon Mignolet.

DAQIIQADII 48 AAD Liverpool ayaa si layaableh markale u heshay goolkeeda saddexaad ee ay kaga yaabsatay Brigton oo doonaysay in ay madaxa sare u soo qaado waxaana goolka saddexaad ee Liverpool dhaliiyay Roberto Firmino oo kubbad caawin fiican ka helay Mohamed Salah oo awoodiisa orod dhibaato wayn ugu abuurayay Brighton wuxuuna Firmino goolkiisa labaad ee ciyaarta uu natiijada kulanka ugu badalay 3-0 ay Reds hogaanka ciyaarta ku sii dheeraysatay.

DAQIIQADII 50 Aad Brighton ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay Simon Mignolet shabiqiisa ku gaadhi kartay kadib markii kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson lagu ciqaabay in uu qalad galay waxaana rekoodhaha Brighton lagu abaal mariyay gool u sarifay Glenn Murray kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-1 ay Reds wali laba gool hogaanka ugu hayso.

Laakiin ciyaarta ayaa markan noqotya mid xamaasad badan oo ay Brigton la soo baxday qaab ciyaareed weerar leh iyada oo goolka rekoodhaha ay ku heshay uu xamaasad u kordhiyay laakiin Reds ayaa raadinaysay goolka afraad si ay u sii niyadjabiso Brighton.

Jurgen Klopp ayaa ilaa daqiiqadii 80 aad sugayay in uu badalkiisa ugu horeeeya sameeyo wuxuuna ugu danbayn kaydka uga yeedhay Oxlade-Chamberlain si uu waqti nasasho u siiyo Mohamed Salah laakiin Klopp ayaa wali kaydka ku si




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *