Saddex jeer ayaa addoon ahaan Liibiya la iigu kala iibsaday”

hargaysa (RGN)

Waxaa isa soo taraya wararka ka hadlaya dad nool oo seylad lagu kala iibsanayo dalka Liibiya, waxayna arrintan dusha sare soo marisay walwalkii laga qabay tahriibka sharci darada ah iyo dhibaatada ka dhalata.

Waxaa si dhab ah uga sheekeynaya waxa meesha ka jira qaar ka mid ah dadkii tahriibka ku maray Liibiya.

Harun Axmed waxa uu ka mid yahay kumanaan muhaajiriin ah oo naftooda ku biimeeyay saxaraha, kadibna gaaray dalka Liibiya si uu uga talaabo badda, una gaaro Yurub, halkaas oo nolol tii hore dhaanta ka raadsanayo.

Waxa uu ka yimid dalka Itoobiya , isaga oo gaaray dalka Jarmalka kadib muddo badan uu dusha u dhigtay xabsi, jirdil iyo halis aanan la qiyaasi karin. Waxa uu ka yimid gobolka Bale ee Itoobiya sanadkii 2013-kii, halkaas oo muhaajiriinta inta badan ay ka yimaadaan shaqo la’aanta baahsan ee halkaas ka jirta awgeed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *