Wasakhda caagagga oo aan dulqaad loo yeelan doonin

HARGYSA (RGN)

dawladaha ayaa laga dalbaday inay la yimaadaan heshiis sharci ah oo mamnuucaya in wasakhda balaastikada ay badaha gasho.

Ilaa iminka maraakiibta ayaa laga mamnuucay in qashinka balaastikada ah ee ay sidaan ay badda ku daadiyaan, laakinse ma jiro qaynuun caalami ah oo dhigaya in la mamnuuco waxyaabaha caagagga ka samaysan ee badda kaga yimaada dhanka berriga.

Qashinka caagagga ah ma yaqaanno xudduudo caalami ah.

Ergooyinka Nairobi ee diyaarinaya kulanka QM ay qabanqaabinayso ee wasiirrada deegaanka ee todobaadkan dhici doona waxay sheegeen in si guud la iskula waafaqsan yahay in talaabooyin adag laga qaato sidii wax looga qaban lahaa mushkiladda caagagga lagala kulmo.

Waxay samaynayaan guddi-hawleed soo eega qaababka loo qaadi karo tallaabooyin dunidu u dhan tahay oo wax looga qabto balaastigga.

Maraykanka wuxuu ku yaboohay inuu si mutadawacnimo ah uga qayb qaadanayo, laakin dhaqan ahaan wuu ka caga jiidayaa inuu qayb ka noqdo sharci caalami ah.

Mid ka mid ah fikradaha la isla dhex marayo ayaa ah in la qaato hanaanka heshiiska cimilada ee Paris.

Heshiiskaas, qaabka loo tabinayo yaraynta qiiqa iyo waafaqidda hadafka fog ayaa ah mid sharci ahaan ay tahay in la raaco – laakinse ficilladaha dawladaha ay qaadayaan qudhooda ayaa ah kuwo si ikhtiyaari ah ku imaanaya.

Dadka arrimaha deegaanka u ololeeya waxay sheegayaan in si loo helo akhbaar wanaagsan oo la xiriirta xaddiga caagagga badda dhex sabbaynaya iyo ilaha ay ka imaanayaan ay tahay arrin aad u muhiim ah.

Qaramada Midoobay waxay ballan ku qaadday in aad loo yareeyo qashinka balaastigga wixii loo gaaro 2025, laakin qaraar ay hor kacayso Norway ayaa sheegaya in ujeeddada fog ay tahay in aan wax dulqaad ah loo yeelan qashinka balaastigga ah ee badda lagu daadiyo.

Waxay kaloo doonaysaa in laga nadiifiyo xeebaha balaastigga iminka yaalla. Waxay sheegtay in lacag ahaan iyo deegaan ahaanba uu qiime weyn leeyahay marka la barbar dhigo tijaabooyinka nadaafadda qaarkood ee heerkoodu sarreeyo sida kan badda Pacific – oo ay ka cabsi qabto inuu waxyeello u gaysto noolaha badda.

Shirweynaha waxaa kaloo lagu soo qaadi doonaa baahida loo qabo hogaan adag iyo isku xir wanaagsan – ha noqdo barnaamijka Qaraamada Midoobay ee deegaanka oo la sii xoojiyo ama ha noqdo in la abuuro hay’ad Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka wasakhda balaastigga.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *