Man City Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaadhay West Ham United, David Silva Oo Goolka Guusha Ugu Dabaal Degay Heshiiskiisa Cusub Iyo Sky Blues Oo Soo Ceshatay Hogaankii 8-da Dhibcood Ahaa Ka Hor Kulanka Manchster Derby .

hargaysa (RGN) sports

Manchester City ayaa markale guul soo laabasho muhiim ah ka gaadhay kooxda West Ham United oo gool kaga hormartay waxayna kooxda Guardiola dib u soo ceshatay hogaankii siddeeda dhibcood ahaa ee ay Manchester United ka saraysay. Manchester City ayaa ku dhibtootay kulankii West Ham kadib markii Angelo Ogbonna  uu dhamaadkii qaybtii hore gool u dhaliyay kooxdiisa Hammers laakiin Nicolas Otamendi ayaa City ciyaarta dib ugu soo celiyay isaga oo dhaliyay goolka barbaraha.

Laakiin Manchester City ayaa u baahatay in ilaa daqiiqadii 83 aad ay sugto goolka guusha waxaana saddexda dhibcood u soo hooyay David Silva oo heshiiskii cusbaa ee uu City u saxiixay goolkan ugu dabaal degay. Man City ayaa kulanka Manchester Derby isku diyaarin doonta iyada oo 8 dhibcood ka saraysa dariskeeda Man United.

Qaybtii hore ee ciyaartan ayaa noqotay mid lama filaan ah noqotay kadib markii Manchester City oo la filayay in ay xasuuq wayn u gaysan doonto West Ham United ay is aragtay iyada oo hogaanka ciyaarta lagala wareegay isla markaana ay ku fashilantay in ay qaybtii hore ee kulankan wax barbaro ah la timaado. Waxaa jiray shirkadaha khamaarka oo sharad ku bixinayay in Man City ay 8-0 ku garaacayso West Ham laakiin wixii qaybtii hore ee kulankii Etihad Stadium la arkay wuxuu noqday wax gabi ahaanba ka duwan.

Inkasta oo ay Manchester City sidii laga filayay ay ahayd kooxda ciyaar ahaan iyo fursad abuurista ku saraysay, haddana West Ham United oo kulamadii ugu danbeeyay dhibaato wayn kala soo kulmaysay Citay ayaa adkaysi wayn muujisay.

Kooxda uu dhawaan tababare David Moyes la wareegay ee West Ham United ayaa iska caabin xoogan oo difaacasho u badan qaybtii hore ee kulankan soo bandhigtay iyada oo Jose Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils ay soo taageerayeen David Moyes oo waqti kooban Old Traffrod soo qabtay oo ay ka doonayeen in ka hor kulanka Manchester Derby uu dhibco ka sii jaro Sky Blues.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *