Florentino Perez In Toni Kroos & Lacag Kaash Ah Kusoo Qaato Xidiga Juventus Paulo Dybala.

 

hargaysa(RGN)

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa iney diyaarineyso dalab waali ah oo ay ugu dhaqaaqeyso xidiga Juventus Paulo Dybala kaas oo ay sidoo kale ku raad joogaan kooxaha Barcelona & Man United sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga.

Florentino Perez ayaa si weyn ugu qancay hanaanka xidiga reer Argentina, wuxuuna doonayaa inuu Toni Kroos ku wareejiyo kooxda marwada duqda ah isagoo u raacinaya lacag kaash ah si ay u helaan xidigii hore Palermo.

Rai Sport oo xiganeysa Calciomercato ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha kooxda Real Madrid uu go’aan ku gaaray in Paulo Dyabala la keeno garoonka Santiago Bernabeu, waxaana arinkaan uu kusoo aadayaa xilli ay jiraan warar xan ah oo sheegaya in sadex ka mid ah xidigaha ajaanibta ah ee Bianconerri ay doonayaan iney kooxda ka tagaan.

Si kataba Juventus ayaa dooneysa iney ceshato Paulo Dyabala balse waxey ku qasban tahay iney heshiis cusub ka saxiixdo si uu magaalada Turin baaqi ugu sii noqdo.

Tababare Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday dhamaadka bishii lasoo dhaafay iney hubanti tahay suuqagal ay sameeyaan bisha January isagoo meesha ka saaray inuu xidig ka tagi doono.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *