Afar arrimood ka ogow xayiraadda Trump ee Soomaaliya iyo dalal kale

hargaysa(RGN)

Xannibaadan waa middii saddexaad oo muran uu ka taaagan yahay ee la soo saaro tan iyo markii Trump uu qabtay xilka madaxweynaha, bishii Janaayo ee sannadkan.

Haddaba yuu saameeyay?

Go’aanka Trump ee ugu dambeeyay waxaa la soo saaray bishii Sebtembar, wuxuuna xayirayaa dadka u dhashay dalalka kala ah; Chad, Iraan, Liibiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yaman.

Waxaa jiro boqollaal qaxooti Soomaali ah oo ku jiro xeryo kala duwan, kuwaas oo rajo ka qabay in ay dib u dejin ka helaan Mareykanka. Sidoo kale qaar ka mid ah waxaaba u socday hannaankii ay ku aadi lahaayeen dalkaasi.

Markii uu soo baxay go’aanka Trump, horraantii sanadkan, qaxooti badan oo ku jiray meelo ay ku sugayeen diyaaradihii u qaadi lahaa Mareykanka ayaa lagu celiyay xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma ee Kenya ka dib markii loo sheegay in aysan safri karin.

Image caption Qaar ka mid ahaa qaxootiga xeryaha Dhadhaab ayaa si iskood ah ugu noqday Soomaaliya

Cabdullahi Cali Aadan wuxuu ku jiraa xeryaha Dhadhaab halkaas oo ay ku wehliyaan qoyskiisa. Wuxuu sugayay in uu u safro Mareykanka oo dib u dejin laga siiyay, balse hadda wuxuu sheegay in uu aad uga xun yahay go’aanka maxkamadda ay gaartay.

“Waxaan muddo siddeed sano ah sugeynay in aan dal seddaxaad dib u dejin ka helno, hannaanno kala duwan baan soo marnay, waxaan hadda rajeyneynay in aan xilli dhow baxno laakiin go’aankaas aad baan uga xunnahay run ahaantii,” ayuu yiri Cabdullahi oo la hadlay BBC Somali.

“Annagoo duullimaadka sugeyno ayuu Trump ku dhawaaqay in aan qaxooti la qaadeyn, tan iyo waqtigaas waan iska sugeynay. Illaa waagaas waxaa laga warsugayay waxa uu noqon karo go’aanka, markastana dib baan u sii dheceynay. Hay’adaha IOM iyo UNHCR waxba noomeysan sheegin, balse waxaan aaminsanahay haddii dalkii dadka qaadanayay uu go’aankaas gaaray in aysan waxba ka qaban karin”, ayuu hadalkiisa ku daray Cabdullahi Cali Aadan.

Keligii ma ahan Cabdullahi, boqollaal qaxooti ah oo ku sugan Dhadhaab, oo halkaa ku noolaa tobannaan sanno, ayaa ka warsugayay waxa uu noqon karo go’aanka xayiraadda socdaalka ee Trump.

“Maadaama waqti badan uu iga dhumay oo qaxootiga aan joogay 27 sanno; siddeed sanno aan hannaankan ku jiray, calafkeygana aan ku waayay, dee meeshan wax laga sii joogo malahan. Waxaa ii qorsheysan in aan dib waddankeyga ugu laabto,” ayuu yiri Cabdullahi oo u muuqday in uu ka quustay rajadii uu ka qabay in uu dib u dejin ka helo Mareykanka.

Hadda maxaa dhacaya?

Maxkamadda sare ayaa ansixisay dalab kaga yimid qareenada Donald Trump oo ahaa in la qaado go’aamada ay maxkamadaha hoose ku diideen xayiraadda madaxweyne Trump.

Go’aanka maxkamadda sare wuxuu dhigayaa in xannibaadda ay sideeda ku dhaqangasho ayadoo maxkamadaha racfaanka ee Virginia iyo California ay miisaamayaan kiisas loo gudbiyay oo lagu diidan yahay xeerkan Trump.

Labada maxkamadood ayaa la filayaa in doodaha ay dhageystaan maalmaha soo socda. Go’aanka maxkamadda ugu sareysa Mareykanka ma saameynayo midka ay soo saaraan kuwa hoose.

Maxaa dalalka gaarka ah loo saaray xayiraadda?

Xayiraaddii ugu dambeysay waxay sheegeysaa in dalalka dadkooda laga xannibay Mareykanka “aysan xilligan lahayn xushmadda maamulidda aqoonsiyadooda iyo awood ay macluumaad kula wadaagaan dalal kale, anshaxa iyo ficil. Sidoo kale dalalkaasi waxaa ku sugan argagixiso”, sida lagu xusay qoraalkii Trump.

Dadka dhalleeceeyay go’aanka Trump waxay sheegayaan in kuwa weerarada ka geysta gudaha Mareykanka aysan ka soo jeedin mid ka mid ah dalalka diiwaanka ku jira. Sida weeraradii 9/11 ee New York, Tartankii Boston iyo caweyskii Orlando, oo ay sheegayaan in ay qaadeen dad ka soo jeeda Sacuudiga, Masar iyo Kyrgyzstan ama kuwo Mareykanka ku dhashay.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *