Bayern Munich Oo Allainz Arena Ku Dubatay PSG, Corentin Tolisso Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Bavaria Oo Markeeda Ka Aarsatay Kooxda PSG.

HARGAYSA( RGN)

Kooxda Bayern Munich ayaa markeeda ka aarsatay PSG iyada oo kooxda ree France 3-1 ugu garaacday Allian Arena. Bayern Munich ayaa qaybtii hore ee kulankan 2-0 ku hogaaminaysya iyada oo Lewandowski uu dhaliyay goolka furitaanka halka Corentin Tolisso uu goolka labaad raacsaday laakiin gool uu Kylian Mbappe dhaliyay qaybtii danbe ayaa rajada PSG sare u soo qaaday balse waxaa u quus goolyay Corentin Tolisso oo laba gool dhaliyay.

PSG iyo Bayern Munich ayaa horeba ugu soo baxay wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque laakiin inkasta oo ay guuldaro la kulantay ayay haddana PSG kaalinta kowaad kaga soo baxday Group B iyada oo farqiga goolasha Bayern Munich kaga sare martay.

Kooxaha Bayern Munich iyo PSG ayaa ku dagaalamayay kooxdii kaalinta kowaad kaga soo bixi lahayd Group B iyada oo Bayern Munich u baahnayd in ay 4-0 ku garaacdo PSG si ay kaalinta kowaad ee Group B ugu soo bixi karto. Sidoo kale Bayern Munich ayaa diyaar u ahayd in ay markeeda ka aarsato PSG oo guuldaro 3-0 ah soo baday kulankii Paris lagu soo ciyaaray.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *