Cristiano Ronaldo Ama Lionel Messi Dunida Oo Indhaha Ku Heysa Abaal Marinta Ballon d’Or Ay Habeen Dambe Bixin Doonto Majalada France Football Ee Ballon d’Or 2017.

Waxaa inooga hadhsan kaliya saacado kooban inaan ogaano xidiga ku guuleysan doona abaal marinta Ballon d’Or sanadka 2017, sheekada la xidhiidha loolanka loogu jiro abaal marintan ayaan jirin isbadal xoogan, maadaama ay markale si xoogan ugu dagaalamayaan xidigaha  Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Xaflada lagu bixin doono abaal marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or ayaa ka dhici doonta  caasimada Paris 7 December 2017 ee ku beegan maalinka Khamiista ee bari, waxayna ka dhici doontaa taalada caanka ah ee ku taal dalka France ee Tower Eiffel, sida uu daabacay wargeyska bixinaya abaal marintan ee France Football, kadib markii ay kala baxeen sanadii lasoo dhaafay FIFA oo si wada jir ah ay u wada bixin jeereen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *