Falastiiniyiinta oo dhigaya dibad bax ka dhan ah go’aanka Trump ee Qudus

Dadkan ayaa ka careysan go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Israa’iil ayaa boqollaal ciidamo dheeraad ah geysay Daanta Galbeed, ayadoo laga cabsi qabo in xiisadda ay ka sii darto.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in siddeed qof oo Falastiiniyiin ah in ay ku dhaawacmeen rabshadaha.

Go’aanka Trump oo isbedel wayn ku ah siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee tobannaanka sano soo jirtay waxaa laga bixiyay jawaabo caro leh oo caalamka oo dhan ka timi.

Dalal badan oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa diiday tallaabadaasi, Golaha amniga ee Qaramada Midoobey iyo ururka jaamacadda Carabta ayaa maalmaha soo socda kulmaya si ay jawaabtooda uga bixiyaan go’aanka Trump.

Waxaa jirto cabsi laga qabo in shaacintan ay soo celiso qalalaasii xumaa ee u dhexeeyay Falastiin iyo Israa’iil. Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay kacdoon cusub.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: