Raadgoob.com
Ciidamo nabad SugiD ah oo lagu laayay Dr Congo
December 8, 2017 - Written by admin

HARGAYSA (RGN)

Ugu yaraan 14 askeri oo ka tirsan nabad ilaaliyayaasha Qaramada Midoobey ayaa la dilay, 53 kalena waalagu dhaawacay weerar ka dhacay Bariga Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo.

Howlgalka UN ee Monusco ayaa sheegay in ciidamada ay weerar kala kulmeen dablay loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin kooxda ADF ee ku sugan Waqooyiga gobolka Kivu.

Sidoo kale, shan askeri oo ka tirsan kuwa dowladda Dr Congo ee FARDC ayaa weerarka lagu dilay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres, ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay middii ugu xumayd ee ay la kulmaan ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey.

Wuxuu u tacsiyeeyay dowladda Tanzania oo ciidamadaasi ugu deeqday howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee dalka DR Congo.

Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo waxaa muddo sannado ah ka taagan xasillooni darro ay sababeen kooxo isku haysta maamulka deegaano kala duwan.

 

COMMENTS
Latest News