Dhacdooyinkan xanuunka leh Ee ka dhacaya dunida mulimka

Dhacdooyinkan xanuunka leh ee Maalin walba ka dhacaya Dalalka Islaamka, ayna kula kacayaan Madaxdooda ama Inta aan Muslimka ahayni; waa mid muujinaysa wuxuu Nabi Muxamed (N.N.K.H) inoo sheegay 1400 oo sanno ka hor.

Waxa hubaal ah, in ay Yuhuudu waqti dhaw toos u noqoto Dawlad Quwad Aduun ah (Super Power), halka ay immikaba si dadban u tahay uguna qadhaabato Dawladda Maraykanka. Waxa sii galbanaya Calankii Maraykanka, waxaana inagu soo wajahan kii Yuhuuda. Markanina waa isla waqtiga loo kala bixi doono si badheedh ah. Ugu danbayna Yuhuudda la jabin doono, illaa ay gaadhan heer ay ku gabbadaan dhagaxaanta iyo geedaha dabadooda.

Taariikhda marka aad hayso, wax walba way kuu cad yihiin; kugumana noqonayo la yaab iyo anfariir. Quddus wuxuu ku dhacay gacanta cadawga lagamana soo celinayo ilaa ay gaadho xilli Muslimiintu u midoobaan, Muslinimadoodana ka dhabeeyaan.
Dagaal weynihii 3aad ayaa ah mid isna cidhifka inagu soo haya, waana mid Dunida u samayn doona wajiyo cusub.

Alloow xaqqa nagu sug xilli walba iyo xaalad kasta.

xamse tudhaale




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: