Sidey beesha caalamka uga jawaabtay Go. aan ka trump?

hargasya (RGN)

war ay soo saartay ku sheegtay in ay “ka walaacsan tahay go’aanka halista ah ee uu qaatay Trump” kaas oo Qudus uu ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa’iil.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay” xaaladda, ayaa lagu yiri qoraaal lagu daabacay wakaaladda wararka Soomaaliya SONNA oo la sheegay in dowladda ay soo saartay.

“Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka”, ayaa ku qoran warkan ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Israa’iil: Ra’iisalwasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu,ayaa ku tilmaamay go’aan taariikhi ah oo caadil ah.

Falstiin: Afhayeen u hadlay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegay in ”albaabadii cadaabta” ay furmeen.

Faransiiska: Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yiri ”Ma taageersanin go’aankan oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah waana mid shaleyto mudan”.

Turkiga: Wasiirka arrimaha Turkiga ayaa ku tilmaamay tallaabo Kheyrul-mas’uulnimo ah.

Paksitan: Dowldda Pakistan ayaa tiri ”waxaa shallayto mudan in Trump uu iska dhaga tiray baaqyadii caalamka oo dhan uga imaanayay”.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa wallaac ka muujiyay arrintan waxayna ka digeen xiisadda oo cirka isku sii shareerto.

Ra’iisalwasaaraha UK Theresa May ayaa sheegtay inay Trump arrintan kala hadli doonto.

Midowga Yurub iyo ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go’aanka Trump.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: