Raadgoob.com
Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.
December 10, 2017 - Written by admin

RAADGOOB(SPORTS)

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee aan idin kula socodsiino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ay qoreen wargeysyada Yuruba ka soo baxa.

Waxaa dhawaan soo xirmay suuqii kala iibsiga xagaaga, laakiin taasi kama joojineyso kooxaha iyo warbaahinta inay ka hadlaan ciyaartoy diirada saaran ee laga yaabo in lala wareego bisha Janaayo marka uu suuqa dib u furmo. Xaqiiqda wararkaan mas’uul kama ah laacib, waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.

 


Olivier Giroud ayaa doonaya inuu amaah uga dhaqaaqo Arsenal si uu u helo boos joogto ah isla markaana u seegin koobka Aduunka, West Ham & Crystal Palace ayaanaa xiiseynaya 31-jirkaan reer France. (Mirror)

Eden Hazard oo 26-jir ah ayaan ku deg-degi doonin inuu ka tago kooxda kadib markii lala xiriiriyay Real Madrid. (Onze Mondial)

Goolhaye Thibaut Courtois oo 25-jir ah ayaa ka dhawaajiyay ineysan jirin wax sabab ah oo uusan u saxiixi karin heshiis cusub iyadoo lala xiriirinayo Real Madrid. (Evening Standard)

COMMENTS
Latest News