Raadgoob.com
Macron: Mareykanka wuu taageerayaa heshiiska is bedelka cimilada
December 12, 2017 - Written by admin

hargaysa (rgn)

Laakiin Mr Macron wuxuu tilmaamay in uusan aqbali doonin dalabka madaxweyne Trump ee ah in danaha Mareykanka laga wada xaajoodo.

Wuxuu hadalkaasi ka sheegay wareysi uu siiyay CBS oo uu uga hadlayay shirka uu qabanqaabiyay ee ka furmaya Paris.

Mr Macron wuxuu dhalleeceeyay in Mareykanka uu saxiixo heshiis caalami ah, ka dibna isaga baxo.

“Mareykanka wuu saxiixay heshiiska Paris. Waa arrin si wayn looga caroodo in la go’aansado in sidaas looga baxo, mana jirto waddo furan oo lagu cadaadinayo kuwa kale si dib wada xaajood kale ay loogu billaabo. Hal waddan baa go’aansaday in uu masraxa ka tago. Waan ka xumahay in aan sidan dhoho. Ma ahan wax soconaayo.”

Madaxwayne Macron wuxuu dhiiragelinayaa in dunida lagu hoggaaamiyo fulinta heshiiskii Paris ee is bedelka cimilada si wax looga qabto dunida sii kululaaneysa.

Wuxuu TV-ga CBS u sheegay in uusan dooneyn in jiilalka mustaqbalka ay isaga ku eedeeyaan in uusan fahmin dhibaatada wayn ee ka dhalata is bedelka cimilada, balse ayba yartahay waxa lagu xallin karo.

Saynisyahannada waxay sugayaan, haddii shirka wasiirada caalamiga ah iyo ra’iisul wasaaraha Faransiiska uu awood siinayo ololaha yareynta qiiqa iyo wasaqda hawada ku baxa.

Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Qiyaastii illaa 50 wasiir ayaa ka qeybgalaya shirka Paris

Waxyaabo muhiim ah oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa, sida:

  • In lacag loo uruuriyo dalalka saboolka ah si ay tamar nadiif ah u helaan
  • Joojinta keydinta dhuxusha dhirta laga sameeyo
  • In la go’aansado in shirkadaha ay shaaciyaan nooca gaaska ee ay adeegsanayaan si loo qiimeeyo, haddii dowladaha ay yareeyaan qiiqa hawada ku baxa

Sidoo kale waxaa lagu dhawaaqi doonaa in maraakiibta qeyb ka noqdaan heerarka cimilada ee la tiigsanayo. Haddaba, markabka wuxuu yeelan doonaa heerka qiiqa ka bixi kara ee hawada uu ku siideyn karo.

COMMENTS
Latest News