Kaaliyihii Trump oo beenisay in dhulka lagu jiiday

hargaysa(RGN)

Mid ka mid ah kaaliyayaashii hore ee madaxweyne Donald Trump ayaa beenisay in ay isku dayday in ay xoog ku gasho dhismo iyo in shaqada laga ceyriyay.

Omarosa Manigault Newman – oo ah xidig hore oo qaban jirtay barnaamijkii Trump ee telefishinka – ayaa la sheegay in ay aad u carootay Arbacadii.

Ciidamada sirta ee ilaaliya madaxweynaha ayaa sheegay “in aysan iyaga ka saarin dhismaha”, balse ay furayaasheeda ka dhigeen kuwa aan shaqeyneyn.

Ms Manigault Newman waxay ka mid tahay tirada yar ee dadka caanka ah ee madowga-Mareykanka ah ee taageera madaxweyne Trump.

Warbixin Aqalka Cad ka soo baxday ayaa lagu sheegay in ay iyada iskeed uga tagtay shaqada “si ay fursado kale oo shaqo u raadsato”.

Laakiin sarkaal aan lamagacaabin oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa wargeyska The Wall Street u sheegay in lagu qasbanaaday in “kaaliyaha dhulka lagu jiido oo laga saaro dhismaha” ka dib markii shaqada uu ka tiray madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, John Kelly.”

CBS News ayaa ku warrantay in buuq ay abuurtay xilli ay isku deyeysay in ay xoog ku gasho dhismaha si ay uga doodo shaqo kaceyrinteeda, waxaana qasab noqotay in xoog looga saaro Aqalka Cad.

Wareysi lala yeeshay Khamiistii, Ms Manigault Newman, waxay ku beenisay wararkaasi, waxayna ku tilmaamtay “Kutiri-kiteen”.

Sidoo kale waxay beenisay in shaqada laga ceyriyay, sida ay ku sheegtay wareysi ay siisay barnaamijka Subax Wanaagsan ee ABC.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mrs Newman waxay u ololeysay Trump oo muddo u ahaa madax

Haweeneyda, oo caan ku ahayd barnaamij TV oo xaqiiqada ka hadla, ayaa su’aal gelisay dhab ahaanta wararka la xiriira in dhulka lagu jiiday, waxayna weydiisatay in sawir cadeyn ah la keeno.

“Aaway sawirrada iyo muuqaallada?” ayey tiri.

“Haddii aan la dagaallamay John Kelly, oo ah qof adag, waxay dhallin lahayd in qofkasta uu soo eego oo sawirro ama muuqaallo la duubo,” ayey hadalkeeda ku dartay.

Qoraal si deggan loo qoray oo ay soo saartay laanta sirta ee ilaalisa Madaxweynaha Mareykanka, waxaa lagu beeniyay in ay ku lug lahaayeen in Ms Manigault Newman laga “soo saaro dhismaha”.

Laakiin laanta sirta waxay u muuqatay mid xaqiijineyso in haweeneyda laga saaray dhismaha Aqalka Cad, oo furayaasheeda casriga ah laga dhigay kuwa aan shaqeyneyn.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: