Raadgoob.com
BREAKING NEWS Ciidanka Bilayska Gobolka Awdal Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gaadhi Uu Leeyahay Wasiirkii Waxbarashada Somaliland Oo Si Qarsoodi Ah Loola Baxsaday Iyo Halka Uu Hadda Ku Xidhan Yahay
December 18, 2017 - Written by admin

HARGAYSA(RGN)

Midka mid ah Labada Gaadhi ee khaaska ah ee uu isticmaalayay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane ayay Ciidamadda Bilayska Gobolka Awdal Ka soo qabteen Deegaamada Fog ee woqooyiga Gobolkaasi Awdal iyadoo sida la sheegay lala baxsanayay waxaanu Hadda Gaadhigaasi uu ku xidhan yahay oo lagu hayaa Xero Ciidan oo kutaala Magaalada Hargeysa.
Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in maalinimadii Doraad ay qaar ka mid ah Ciidamada Bilayska ka hawlgala Gobolka Awdal ay gacanta ku soo dhigeen Gaadhiga wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ee aan wali xilka wareejin Cabdilaahi Ibraahim Habane,kaasi oo sida la sheegay si dhoomasho ah loola tagay Magaalada Boon ee Woqooyinka Gobolkaasi,halkaasi oo ay Ciidamo ka tirsan kuwa Bilaysku ay ka soo qabteen gaadhiga iyo dirawalkii khaas ahaa ee Wasiirka oo wakhtigaasi waday gaadhiga ,waxaana sida la sheegay gaadhiga oo Wakhtigaasi uu ku xidhnaa Lambar Shacbi ah balse Taarikadiisa saxda ah ee Dawlada ugu diwaan gashin yahay (1017-GT) loo soo dhaadhiciyay Dhinaca magaaladda Hargeysa iyadoo ay wararku noo xaqiijiyeen in Dirawalka aan la xidhin ee ay Ciidanku iska siidaayeen.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in Gaadhigan oo noociisu yahay Lancruiser,midabkiisu yahay Cadaan,islamarkaana Masuuliyiin badan oo Wasaaradda ka Tirsani iska soo dhaxleen sannado door ah uu hadda ku xidhan yahay Xerada Ciidanka Birmadka ee Magaalada Hargeysa. Waxaanay wararku sheegayaan in Gaadhigan Ciidankii qabtay ay si toos ah u soo waydaariyeen Gobolkaasi Awdal islamarkaana uu hadda ku xidhan yahay Xeradda Ciidanka Birmadka,waxaanay Sida la sheegay Ciidanku baadhayaan sababta gaadhigaasi loola tagay Gobolka Awdal inkasta oo ay wararku sheegayaan in Dirawalkii Khaaska ahaa ee Wasiirka oo gaadhigaasi lagu qabtay islamarkiiba la siidaayay oo aan wax xadhiga ah loo gaysan haddana waxa ay Ciidanka Baadhistay isku dayaan inay Wax ka ogaadaan sababta dhabta ah ee Gaadhigaasi loola tagay Deeganka Boon oo masaafo aad u fog woqooyi ka xigta Magaalada Boorama ee Caasimada Gobolka Awdal.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa Wakhti kala wareeg ah oo uu hadda uun Madaxweyne Cusub iyo Xukuumad Cusubi Dalka la wareegtay inkasta oo aan wali Wasiirada Xukuumaddii hore Xilka laga tirin balse la soo dhisay,laguna dhawaaqay Gole Wasiiro ah oo Cusub,Waxaanay sidoo kale Xaaladani ku soo beegmaysaa wakhti laba gaadhi oo kale ay Ciidanka Bilayska Gobolka Togdheer Gacanta ku soo dhigeen,gawaadhidaasi oo ka tirsan gaadiidka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyadoo sida laga war-hayo ay gaadiidkaasi illa hadda ku xidhan yihiin Xarunta Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Togdheer,waxaana loo tirinayaan in Gaadiidkaasi lala baxsanayay.

COMMENTS
Latest News