Raadgoob.com
Dalkii Ugu Horeeyay Ee Muslim Ah Oo Safaarad Ka Furanaya Magaalada Qudus Oo Uu U Aqoonsanyey Caasimadda Reer Falastin Iyo B/Dhexe Oo Kacsan
December 18, 2017 - Written by admin
Qudus, December 18, 2017- (raadgoob.com)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inuu Safaarad ka furanayaan bariga magaalada Barakeesan ee Qudus oo muran xoogleh iyo dagaalo dhiig u daatay ka socdaan.

Khudbad uu jeediyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayuu ku sheegay in Safaaradooda Falastiin ay ka furanayaan Bariga Magaalada Qudus ee Barakaysan ee ay yahuudu doonayso inay gacanta ku dhigto oo ay ka dhigto caasimad, waxa uuna intaa raaciyay in halkaasi hore ugu taalay Qunsuliyad uu leeyahay Dalka Turkiga oo hadda ka mid ah Wadamada Islaamka ugu wayn.
Madaxweynaha Turkiga ayaa hore u cambaareeyay go’aankii dowlada Mareykanka magaalada Qudus ugu aqoonsatay Caasimada Maamulka Israa’il, waxa uuna sheegay Erdogan in Qudus tahay Caasimada Muslimiinta Falastiin.
Magaalada Qudus waxaa xoog ku haysta maamulka Israa’il oo aaminsan in ay tahay Caasimadooda, waxaana dhamaan si weyn loo cambaareeyay go’aankii Mareykanka Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’il. Wadamadii ugu badnaa ee Islaamka ka tirsan ayaa cambaarayn xoogleh Maraykanka,kuna eedeeyay inuu fidmo ka dhex abuuray Bariga dhexe gaar ahaan Wadamada Carabta. Waxaanay xaaladani ku soo beegmaysaa Wakhti si wayn aduunku ula socdo dhacdooyinka foosha xun ee maalin walba ka dhacaya Qudus taasi oo dib u istaadhantay kadib markii uu Madaxweynaha Dalka maraykanku ku dhawaaqay inuu Magaallada Qudus u aqoonsaday Caasimadda Isreal.

COMMENTS
Latest News