Raadgoob.com
Garoonka ugu mashquul badan adduunka oo korontadii ka Goday
December 18, 2017 - Written by admin

hargaysa(rgn)

Korontada oo ka tagtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hartsfield-Jackson ayaa sababtay in qayb ahaan la xiro, duulimaadyo badaanna dib loo dhigo.

Garoonkan diyaaradaha ee Maraykanka ku yaalla ayaa ah midka ugu mashquulka badan adduunka oo dhan, waxaana maalinkaste adeegsada 250,000 oo rakaab ah iyo 2,500 oo duulimaad.

Dadkii safrayay ayuu mugdigu haleeyay iyaga oo qaarkood ay garoonka ku dhex jiraan kuwo kalana ay diyaaradaha saaran yihiin.

Diyaarado soo dagi lahaa ayaa garoomo kale loo weeciyay, kuwo kale oo ka duuli lahaana garoonka ayaa lagu sii hayay.

War qoraal ah oo uu garoonku soo saaray ayaa lagu sheegay in ay korontadu go’day Axaddii sagaalka ama saddexda fiidnimo Saacadda geeska Afrika.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Waxaa lagu soo warramayaa in la baajiyay in kabadan kun duulimaad, maadaama oo garoonka intiisa badan uu koronto la aan yahay

garoonka ayaa sheegtay in ay rumaysan yihiin in uu dhibkani ka dhashay dab ka kacay korontada dhulka hoosteeda marta ee garoonka.

Waxay sheegtay in aysan garanaynin waxa sababay dabka, balse ay rajaynayso in ay korontada soo celiyaan saqda dhexe ee Axadda wakhtiga deegaankaas oo ku aadan 8:00 subaxnimo ee geeska Afrika.

Sawirro baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya rakaabka oo meel madaw fadhiya.

COMMENTS
Latest News