Raadgoob.com
Ma ogtahay in Google uu keydiyo macluumaadkaaga?
December 20, 2017 - Written by admin

hargaysa (rgn)

Google way garaneysaa waxa aad raadineyso, waxa aad daneyneyso, iyo baraha kale ee aad booqato, iyo waxyaabo kale oo badan ayey kaa og tahay.

Waxaan ka hadlaynaa Google oo ah barta caalamka ugu wayn ee macluumaad iyo akhbaar laga raadiyo.

“Marka aad adeegga Google isticmaaleyso, waxaad nagu aamintay macluumaadkaaga.”

Taasi waa sida ay shirkaddan u sheegtay macaamiisheeda, waana leenka ugu horeeya ee shuruucda xuquuqda gaarka ah ee Google.

Balse waxa aadan garan karin waa in Google ay ku siineyso fursad aan ku tirto macluumaadkaaga ku keydsan qeybta “my activity” oo keydisa waxa aad ka dhex sameyso barta.

Halkan ka eeg sida aad ku tirtiri karto adigoo dhowrkan tallaabo qaadaya.

1. Tir dhaqdhaqaaqeyga

Xilli kasta ee aad Google wax ka raadiso, shirkadda waxay keydineysaa macluumaadka la xiriiro waxa aad raadisay, waxayna ki xireysaa cinwaankaaga.

Waxay sidoo kale diiwaan gelineysaa dhaqdhaqaaq kastoo aad sameyso, sida in aad foom buuxiso ama in aad furto cinwaankaaga Gmail-ka.

Akhbaarta oo dhan waxaa lagu keydinayaa qeybta loo garanayo “dhaqdhaqaaqeyga” – waana halka aad u baahan tahay in aad isha ku hayso.

Lahaanshaha sawirka Captura de pantalla

Waxaad furi kartaa keyda baaridda si aad waxyaabo gaar ah u eegto ama aad bogag u tirto (ka dib raadi macluumaaadka la xiriira, haddii aad u baahato).

Sidoo kale waxaa tirtiri kartaa dhammaad waxyaabihii aad eegtay ama raadisay adigoo taariikh gaar ah ku cayimaya.

“Fursadda ugu wayn ee kuu furan” waa in aad tirto dhammaan waxkastoo aad eegto “xilli kaste”.

Digniin ayay Google ku tuseysaa oo la xiriirta cawaaqib xumada ka dhallan karto ficilladaada, balse sida xaqiiqada ah, in aad tirto macluumaadkaaga ku jiro Google, wax saameyn ah kuguma yeelanayaan, xitaa sida cinwaankaaga Google iyo codsiyadaada shaqo.

Google waxay sidoo kale dabagashaa dhammaan waxyaabaha aad ka baarto YouTube.

Lahaanshaha sawirka YouTube

Balse tani xitaa si fudud ayaad uga feejignaan kartaa. Marka hore guji “history” oo ah meesha keydka oo dhanka bidix ah. Ka dib guji “nadiifi dhammaan wixii aan baaray”, ama waxaad si gaar ah u raadin kartaa waxyaabaha qaar ee si gaar ah aad u daawatay.

COMMENTS
Latest News