Nin caan ah oo si lama filaan ah lambarkiisa ula wadaagay 16 milyan oo qof

hargaysa(raadgoob).com

Ganacsadaha teknolijiyadda ee dhanka tamabarta iyo gaadiidka, Elon Musk ayaa si lama filaan ah lambarkiisa ugu daabacay Twitter-kiisa oo ay saaxiibo kula yihiin in ka badan 16.7 milyan oo qof.

Elon Musk waa agaasimaha guud ee shirkadaha Tesla iyo SpaceX, ayaa bandhigay lambarka telefoonkiisa, wuxuu doonayay in farriin ahaan uu ugu diro nin lagu magacaabo John Carmack, oo ah madaxa shirkadda teknolojiyadda ee Oculus.

“Ma haysaa waqti aan kugula hadlo? lambarkeyga waa…” Mr Must ayaa sidaa qoray.

Farriinta ayaa si degdeg ah looga tiray Twitter-ka, laakiin dad badan oo ku taxan bartiisa ayaa qortay, qaarna waxay ka qaadeen sawir.

. Marka ay waceen ka dib waxay maqleen farriin ku saabsan game dagaal ah.

“Alle amarkii, waad gaartay,” ayey farriinta ku billaabaneysaa. “Si un ayaad u heshay waddo aad igu soo gaarto. Waan kaaga mahadcelinayaan, waana ku xushmeynayaa,” ayey farriinta ku sii dareysaa.

Ma cadda sababta uu ninkan ku dhashay South Afrika ee taajirka ah, u doonayay in uu la hadlo Mr Carmack, oo Oculus ku biiray 2013-kii, shirkaddana la sii joogay ka dib markii Facebook ay iibsatay sannadkii 2014.

Sikastaba, Mr Carmack wuxuu Twitter-ka ku qoray in uu leeyahay Khibrad wanaagsan, uuna wax badan la shaqeeyay Mr Musk.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: