Raadgoob.com
Jarmalka: In UK ay ka baxdo midowga Yurub waa mid u fiican Turkiga
December 26, 2017 - Written by admin

hargaysa(raadgoob.com)

waxa uu intaas ku daray in labadan dal ay ka faa’iideysan karaan hadba nidaamka lagu heshiiyo.

Dadweynaha Britain ayaa u codeeyay in ay ka baxayaan Midoowga Yurub, waxayna arrintaas si rasmi ah u hirgalaysaa marka la gaaro bisha Maarso ee sanadka 2019-ka.

Ka hor inta ay taasi dhicin ayaa waxa socda wadahadalo lagu dhigayo sidii uu noqon lahaa xiriirka u dhaxeeya Britain iyo Midoowga Yurub mustaqbalka.

Qodobada la’isku hayo ayaa waxaa ka mid ah lacagaha la’isku leeyahay, qaddiyadda Waqooyiga Irlenad iyo arrimaha muwaadhiniinta UK ee ku nool Yurub.

Wuxuu wasiirka sheegay in Turki ay la yeelan doonaan xiriir xagga kastamyada canshuuraha ah iyo suuqa mideysan, balse taas waxa ay ka hor imaanaysaa damaca Britain ee ah in ay ka baxdo gabi ahaanba suuqaas.

Balse Jarmalka wali waxa uu walwal ka qabaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalkaas, iyada oo ay jiraan dad badan oo xabsiyada ku jira.

Heshiis la saxiixay sanadkii 1995-kii ayaa waxa uu dhigayaa in badeecooyinka ay isaga gooshaan labada dhinac iyada oo aan xayiraad lahayd, balse kuma jiraan wax soosaarka beeraha.

Balse wahadalada ku saabsan in Turkiga iyo Ukrain ay ku biiraan Midowga Yurub wax horumar lagama samaynin illaa sanadkii 2005-tii.

COMMENTS
Latest News