Raadgoob.com
Carruur xanuunsan oo laga daadgureeyay magaalo Suuriya ku taal oo la go’doomiyay
December 27, 2017 - Written by admin

HARGAYSA(RAADGOOB.COM)

Howlwadeenada gargaarka iyo koox iskaa wax u qabso ah oo Suuriyiin ah ayaa bilaabay inay ka daadgureeyaan bukaanno aad u xanuunsan degmo ay gacanta ku hayaan fallaagada oo ku taal meel u dhaw magaalada Dimishiq.

Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa todobaadkii hore waxa ay codsi u direen Madaxweyne Bashaar Al-Assad si uu u ogolaado in la daadgureeyo todoba carruur ah oo uu hayo cudurka kansarka.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Suuriya ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay sawir muujinaya dhowr carruur ah oo ay la socdaan hooyooyinkood kuwaas oo u muuqda inay sugayaan in la geeyo isbitaallada magaalada Dimishiq.

Bukaannada ayaa waxa ay ka mid yihiin liiska dad badan oo xanuunno ba’an ay hayaan oo laba bilood ka hor loo gudbiyay Qaramada Midoobay.

Faafaahinta qaabka loo gudbiyay carruurtan ayaanan weli kala caddeyn hasayeeshee Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in arrintan ay hirgashay kaddib wadaxaajood dheer oo ay la galeen mas’uuliyiinta Suuriya.

Bariga Ghouta ayaa muddo afar sanno ahba waxaa go’doomin ku hayay ciidammada dowladda, iyadoo todobaadyadii la soo dhaafayna la kordhiyay duqeymaha halkaasi lagu hayay.

COMMENTS
Latest News