Raadgoob.com
Dilkii la daboolay ee Benazir Bhutto
December 27, 2017 - Written by admin

hargaysa(Raadgoob.com)

Benazir Bhutto waxa ay ahayd haweenaydii ugu horeysay ee hoggaamiye ka noqotay dal Muslim ah, muddo 10 sanno ka badan ayaana hadda laga joogaa tan iyo intii la dilay.

Dilka Bhutto ayaa waxa uu aragti kaa siinayaa sida ay u shaqayso dowladda Pakistan in ka badan intii laga fahmi karo cidda amartay dilkeeda.

Bhutto waxaa dilay wiil 15 jir ah oo lagu magacaabo Bilal, 27-kii bishii Diseembar, 2007-dii.

Bilaal ayaa toogasho ku dilay Bhutto ka hor intii uusan isaga is qarxinin, waxaana la sheegay in ay soo direen kooxda Talibaanka Pakistan.

Waxa ay markaas kasoo baxday isu soo bax weyn oo olole siyaasadeed ah, oo ka dhacay magaalada Rawalpindi.

Benazir Bhutto waxa ay ahayd gabadha uu dhalay Zulfikar Cali Bhutto, ra’isulwasaarihii ugu horeeyay ee si dimoqoraadi ah loo doortay dalka Pakistaan, kaas oo xukun dil daldalaad ah ku fuliyeen militariga af gambiga kula wareegay Pakistan ee madaxweyne Jeneraal Siya Ul Xaq.

Labo jeer ayay Ra’isulwasaare ka noqotay Pakistan Bhutto, balse markasta waxaa xilka ka qaadi jiray militariga oo aanan iyada ku kalsoonayn.

Markii la dilayay waxa ay isku dayaysay in ay markii seddexaad qabato xilka ugu sareeya dalka, balse dilkeeda ayaa waxa uu horseeday kacdoon dadweyne oo aad u balaaran.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Weerarka waxa uu dhacay ilmiriqsiyo kadib markii sawirkan la qaaday

Jeneraalka iyo wicitaankii taleefoonka hanjabaadda ahaa

10 sano kadib , jeneraalkii ciidammada madaxda ka ahaa markii la dilay ayaa sheegay in dad madax ah ay ku lug lahaayeen dilkeeda.

Jeneraal Pervez Musharash oo ahaa madaxweynihii Pakistan xiligii la dilayay haweenaydan ayaa sheegay in dad ka mid ah ciidammada ay Talibaan kala shaqeeyeen dilka Bhutto.

Image caption Pervez Musharraf ayaa beeniyay in uu taleefoon ugu hanjabay Bhutto

Waa qirasho layaab leh xilli madaxda ciidammada ay diidaan wax kasta oo sheegashooyin ah oo muujinaya in dad dowladda ka mid ah ay lug ku lahaayeen dilka Bhutto.

Musharaf ayaa laftiisa lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka qaarijinta ahaa ee Bhutto iyo waliba abaabulka dilka.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Musharaf uu taleefoon kula hadlay Bhutto 25-tii bishii sebtember, 2007-dii, seddex todobaad ka hor intii aysan soo afjarin musaafurintii iskeed ahayd ee ay Pakistan kaga maqnayd, iyada oo markaas ku sugnayd magaalada Washington.

Gacanyarihii Bhutto Mark Seighal iyo saxafiga lagu magacaabo Ron Suskind ayaa sheegay in ay la joogeen Bhutto markii uu taleefoonka usoo dhacayay, islamarkaasna ay u sheegtay in Musharaf uu u hanjabay, ugana digay in ay usoo laabato Pakistan.

Balse Musharaf ayaa beeniyay in uu wacay gabadhan, islamarkaasna amray dilkeeda.

Shirqoolkii dilka

Dacwadda Musharaf loo heysto ayaanan horey u soconin, sababtuna waxa ay tahay in uu musaafuris ku joogo magaalada Dubai.

Balse wiilka ay dhashay Bhutto, islamarkaasna dhaxalkeeda leh Bilawal ayaa diiday sheegashada Musharaf ee ah in uusan wax lug ah ku lahayn dilka Bhutto.

“Musharaf waxa uu si qaldan uga faa’iiday xaaladda oo dhan, si ula kac ah ayuu u mijo xaabiyay amniga Bhutto, taas oo saamaxday in si sahlan loo dilo” ayuu yiri Bilawal.

Lahaanshaha sawirka Dawn News TV
Image caption Sawirro la isku keenay oo laga soo jaray muuqaal uu baahiyay taleefishinka Dawn ee Pakistan, waxa uu muujinayaa Bhutto oo gacanta u haadinaysa taageerayaasheeda, iyo nin bastoolad ridaya magaalada CRawalpindi 27 December 2007.
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Toogashada waxaa xigay qarax bambaano oo ay ku dhimatay.

Shan qof ayaa loo xiray dilkii Bhutto, waxaana koow la xiray ninka lagu magacaabo Aitzaz Shah oo qirtay in Talibaan ay usoo igmadeen dilka Bhutto, balse uu aad uga xanaaqay markii uu ogaaday in isaga la galiyay keydka , si haddii Bilaal uu ku guul daraysto dilkeeda uu markaas isaga u fuliyo dilka.

Labo kale oo lagu kala magacaabo Rashiid Axmed iyo Sheer Zaman ayaa qirtay in ay wax ka abaabuleen dilka, halka labo qof oo ay ilmo adeero yihiin oo degan magaaladii uu dilka ka dhacay ee Rawalpindi ay hoy siiyeen Bilaal habeenkii ka horeeyay maalintii uu dilka dhacayay.

Inkasta oo laga laabtay qiraalkooda, haddane xogta diiwaansan ee taleefoonada dadka la tuhunsanyahay iyo caddaymo laga heley halkii ay degenaayeen ayaa muujiyay in qiraalkooda uu run ahaa.

Tusaale ahaan sheeyga hiddo-sidaha ah (DNA) oo laga qaaday hilbihii Bilaal ee go’goay ee laga uruuriyay meeshii qaraxa ka dhacay, kadibna lagu baaray sheeybaar ku yaala Maraykanka ayaa waxa ay is yeesheen hiddo-sidayaashii laga heley dharkii iyo shukumaankii uu isticmaalay Bilaal ee laga heley guriga Hasnain Guul oo ahaa ninka hoyga siiyay habeenkii ka horeeyay maalintii uu dilka fulin rabay.

Image caption Shanta qof ee loo heysto in ay soo maleegeen shirqoolkii lagu dilay Bhutto, kuwaas oo la cafiyay

Inkasta oo dacwad oogayaasha ay kalsooni badan ku qabeen in dadka la tuhunsanyahay la xukumo, haddane garsoorihii maxkamadda ayaa bishii sebtembar xukumay in uu cafiyay eedeysanayaasha, sababtuna tahay in la galay gefaf ku saabsan sida loosoo uruuriyay caddaymaha, maxkamaddana loo horkeenay.

Shanta qof ee dilka loo heysto ayaa wali xabsiga ku jira, iyada oo wali laga wardhawrayo rafcaan laga qaatay cafiska garsooraha.

COMMENTS
Latest News