Raadgoob.com
Diyaarad raalingelin ka bixisay “bustayaal” ay sheegtay in “laga xaday
December 28, 2017 - Written by admin

Shirkadda diyaaradaha ee American Airlines ayaa raaligelisay laba ciyaaryahan oo si qasab ah looga dejiyay diyaarad ka dib markii si khalad ah loogu eedeeyay xatooyo.

Marquis Teague iyo Trahson Burrell ayaa raacay diyaarad si ay uga qeyb galaan ciyaar.

Laakiin, ka hor inta aysan diyaaradda kicin, mid ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayaa sheegtay in ragga ay bustayaal ka xadeen qeybta qaaliga ah ee diyaaradda, xoog ayaana looga dejiyay.

Balse markii dambe waxaa soo baxday in rakaab saarnaa qeybta hore ee qaaliga ah, ay bustayaasha siiyeen raggaasi caanka ah.

abada laacib ee kubadda koleyga waxay u dhasheen Mareykanka, asalkoodana waxay ka soo jeedaan Afrika, taas ayaana loo aaneynayaa in ay sabab u tahay in mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ay eedeysay.

Labada ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda qaran ee ciyaaraha yar, Memphis Hustle, kama aysan hadlin dhacdada.

Balse, ku xigeenka tababaraha kooxda Hustle, Darnell Lazere ayaa Twitterka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in uu aaminsan yahay in ficilka uu ku saleysan yahay jinsiyad.

COMMENTS
Latest News