(raadgoob.com)

Xidiga xulka qaranka Belgium iyo kooxda Manchester United ee Romelu Lukaku ayuu dhaawac halis ahi ku soo gaadhay kulanka ay hadda kooxdiisa United la ciyaarayso Southampton. Lukaku ayaa awoodi waayay in uu ciyaarta ka bixi karo isaga oo u baahday in laga dhex qaado Old Traffrod waxaana Jose Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils soo food saaray walwal ah inta uu leegyahay dhaawac Lukaku ku qasbay in bilawgii ciyaartan garoonka laga dhex qaaday.

Romelu Lukaku ayay isku dhaceen xidiga kooxda Southampton ee  Wesley Hoedt  wuxuuna xidiga ree Belgium u baahday in daawayn garoonka loogu dhex sameeyo isaga oo waliba la siiyay hawada lagu neefsado ee Oxygen si looga caawiyo xaalada adag ee uu ku jiray.

Marcus Rashfrod ayaa daqiiqadii 14 aad buuxiyay booska uu dhaawacu ka soo gaadhay Romelu Lukaku. Dhaawac soo gaadhay Lukaku ayaa ah mid walwal badan ku abuuraya Manchester United oo ay markii horeba haysatay xaalad gool yaraan ahi.

Jamaahiirta Manchester United ayaa sacab ku taageeray xidiga kooxdooda ee miyir daboolmay isla markaana awoodi waayay in uu neefsado waxaana garoonka laga dhex qaaday isaga oo suuxsan isla markaana ay hawada Oxygen ku rikibantahay.

Southampton ayaa ilaa hadda iska caabin kala hor imanaysa Manchester United oo u baahan in ay soo dhaafto Saints oo aan xaalad fiican ku jirin balse adkaysi badan muujinaysa.

Manchester United ayaa ku hawalan sidii xaalada caafimaad ee Romelu Lukaku loo dajin lahaa iyada oo wararkii ka soo kordha aanu idiin soo raacin doono warbixinta ciyaarta isla marka ay dhamaato. Laakiin ciyaarta oo ilaa hadda socotay 33 daqiiqo waxay maraysaa gool la’aan