Raadgoob.com
Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Kenya
December 31, 2017 - Written by admin

hargaysa(raadgoob.com)

Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof ay ku dhinteen shil labo baabuur oo bas iyo loori ah oo si xun isugu dhacay.

Shilka labadan gawaari ayaa ka dhacay arroornimadii hore ee Axadii saakay waddo weyn oo ku taalla galbeedka Kenya oo isku xirta magaalooyinka Eldoret iyo Nakuru.

Sideed iyo toban qof oo ku dhaawacmay shilkan ayaa loo qaaday isbitaalada maxaliga ee kenya.

Waddooyinka kenya ayaa inta badan khatartu ay ku badan tahay xiliyadaan oo kale oo ah dhammaadka sanadka, maadaama inta badan dadku ay u safraan gobolada dalka taasi oo keenta in darawalada gawaarida ay si xowli ah u kaxeeyaan gawaarida sida la sheego.

Shil noocaan oo kale ah ayaa ka dhacay goob u jirto saddex kilo mitir halka shilkaan uu saakay ka dhacay, kaasi oo ay ku dhinteen 20 qof horaantii Deseember.

COMMENTS
Latest News