Raadgoob.com
Greek-ga oo joojiyay go’aan magangalyo lagu siinayey duuliye Turki ah oo u basaxday
December 31, 2017 - Written by admin

hargaysa (raadgoob.com)

Dowladda Greek-ga ayaa sheegtay inay weydiisatay garsoorka dalkeeda inay joojiyaan go’aan sharci ah oo lagu siinayo maganglo qaxootinimo duuliye u dhashay Turkiga.

Duuliyahaan ayaa ka mid ah ahaa 8 shaqaale oo u baxsaday sanadkii lasoo dhaafay Greek-ga, kaddib isku daygii inqilaabkii fashilmay ee Turkiga.

Turkiga ayaa carro ka muujiyay go’aanka lagu siinayo magangalyada duuliyahan oo ka xeyn jiray diyaarad nooca helicopter-ka ah, waxayna sheegtay inay tallaabadan saameyn xun ku yeellan doonto xiriirka ka dhexeeyo labada dal.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ankara ayaa sheegay in Greek-ga uu markale muujiyay inuu hoysiinayo soona dhaweynayo dadkii soo maleegay afgembigii fashilmay.

Toddoba askeri oo kale ayaa ku sugan Greek-ga kuwaasi oo sugaya in go’aan laga gaaro codsiyadooda magangalyo.

COMMENTS
Latest News