Toban Waxyaabood Oo Laga Yaabo Inaadan Ka Ogeyn Kubadsameeyaha Liverpool Philippe Coutinho Kaasoo Qarka U Saaran Barcelona

hargayasa(raadgoob.com)

Isagoo ku sii dhawaanaya inuu ku biiro Barcelona, jariirada Isbaanishka ee Marca ayaa qortay toban waxyaabood oo macquul ay tahay inaad ka ogeyn Philippe Coutinho.

Nolol adag ayuu ku soo koray

Sida xiddigaha badan ee Brazil, Coutinho waxa uu ku dhashay xaafadaha dadka fuqarada ay degan yihiin ee isku raranka ah ee loo yaqaano Favela.

Waxa uu ku soo koray aaga loo yaqaano Mangueira oo ah halka ugu liidata magaalada Rio de Janeiro.

Kubad kale ayuu ku bilowday waayihiisa

Xiddigaha Liverpool ma aheyn nin waayihiisa ciyaareed ku bilowday inuu ciyaaro kubada cagta ee garoomada waa weyn lagu dheelo.

Waxa uu markii hore ciyaari jiray kubada futsal isagoo u dheelayay kooxda Vasco de Gama ka hor inta uusan ku biirin koox kubada cagta ah.

Khibradiisii ugu horeysay ee Yurub

Markii uu ahaa da’da 14 sanno, waxa uu ka ciyaaray xeebaha Yurub isagoo ka qeyb qaatay koobkii Mediterranean Cup ee lagu qabtay Spain, waxaana ay aheyd meeshii ugu horeysay ee ay ku arkeen raga indha-indheynta u qaabilsanaa Inter Milan.

Saaxiibkiisa Barcelona

Tan iyo markii ay isla joogeen Liverpool, waxa uu saaxiibtinimo weyn la sii lahaa Luis Suarez oo ay deris ku ahaayeen England.

Xaasaskooda ayaa sidoo kale ah kuwa aad isagu dhow. Waa mid la mid ah xiriirka ka dhaxeeya Luis Suarez iyo Lionel Messi.

Asxaabtiisa kale

Kaliya Suarez ma ahan saaxiibkiisa ugu dhow, waxa ay sidoo kale xiriir dhow leeyihiin Neymar oo ay isku garanayaan maalmihii ay u wada ciyaari jireen xulka juunyeerka Brazil.

Xaaskiisa

Waxa uu guursaday gabadha ay mudada dheer saaxiibada ahaayeen Aine, taasoo dhabar adeeg muujisay markii ay Yurub la timid isagoo 17 sanno jir ah.

Shaabada wuu jecel yahay

Coutinho waxa uu ka mid ah yahay xiddigaha jecel dhaqanka xun ee shaabada la isku sawiro.

Xubin kasta oo ka mid ah qoyskiisa ayuu ku shaabadeeyay jirkiisa.

Xusuus xun ayuu ka heystaa Barcelona

Durbaba waa uu garanayaa waxa ay la micno tahay inuu ku ciyaaro loogana badiyo Camp Nou.

Waqtigiisii Espanyol waxaa looga badiyay 4-0 kulankii Catalan Derby.

Naaneestiisa

Tayadiisa aadka u sareysa ayaa keentay in dalkiisa Brazil looga bixiyo naaneesta ‘O Magico’.

Dhiirogelinta hooyadiis

Brendan Rodgers ayaa warqad ka timid Coutinho hooyadiis u akhriyay ciyaaryahanka iygaoo ku jira qolka labiska, waxa ay aheyd taatik uu u isticmaali jiray inuu ku dhiirogeliyo ciyaartoydiisa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *