WARBIXIN: Qiimaha Lacageed Ee Ay Kooxaha La Liga Ka Heleen Baahinta Xuquuqda TV-ga Xilli Ciyaareedkii Hore Oo Lagu Dhawaaqay- Imisa Ayay Barca & Real Madrid Heleen?

HARGEISA(RAADGOOB.COM)

Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay qaabkii kooxaha horyaalka La Liga loogu qaybiyay lacagta ka soo xarootay baahinta xuquuqda TV-ga ee xili ciyaareedkii hore ee 2016-17 oo ay kooxda Real Madrid ku soo guulaysatay koobka La Liga.Sidii looga bartay labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa si wayn dhaqaale ahaan uga horeeya kooxaha kale ee La Liga iyada oo uu jiro farqi aad u wayn oo u dhexeeya kooxda kaalinta kowaad ku jirta iyo kooxda ugu hoosaysa.

Inkasta oo ay Real Madrid ahayd kooxda koobka La Liga ku soo guulaysatay xili ciyaareedkii hore, haddana kooxda Barcelona ayaa noqotay kooxda kaalinta kowaad kaga jirta qiimaha lacageed ee ay kooxaha La liga ka heleen baahinta TV-ga.

Barcelona ayaa jeebka ku shubatay lacag dhan 146.2 milyan euros waana kooxda qiimaha lacageed ee ugu badan xili ciyaareedkii hore ka heshay xuquuqda baahinta kulamada La Liga waxaana kaalinta labaad ku jirta kooxda koobka ku soo guulaysatay ee Real Madrid oo heshay 140.1 milyan euros waxaana Balaugrana in ka badan 5 milyan oo euros ka horaysaa kooxda Los Blancos.

Laakiin ma jirto koox kale oo La Liga ka ciyaarta oo xataa heshay lacag gaadhaysa 100 milyan oo euors waxaana kaalinta saddexaad ku jirta kooxda Atletico Madrid oo heshay 99.2 milyan euros , waxaana wali sii socda in aan si dhex ah lacagta xuquuqda baahinta loogu qaybin 20 ka kooxood ee La Liga sida afart horyaal ee yurub ugu waa wayn ee kale ay sameeyaan.

Haddii aan eegno kooxda qiimaha lacageed ee ugu hoosaysa ka heshay xuquuqda baahinta xili ciyaareedkii hore ee La Liga waxay noqotay kooxda Deportivo Leganes taas oo heshay 39.3 milyan euros oo kaliya, waxaanad fahmi kartaa qiimaha u dhexeeya Barcelona oo heshay 146.2 milyan euros iyo Leganes oo heshay 39.3 milyan euros.

Maamulka kubbada cagta Spain ayaa ilaa hadda ku fashilmay in ay kooxaha horyaalka La Liga u sameeyaan sharci la mid ah kan kooxaha Premier League ama horyaalada kale ee Yurub taas oo ay kooxaha yar yari ku helaan qiimo lacageed oo isku mid ah inta ay kooxaha waa wayni ka helaan xuquuqda baahinta balse waxay ku kala sareeyaan iibinta tikidhada garoomadooda iyo hawlaha ganacsi ee ay sameeyaan.

Waxa kale oo warbiixntan dhaqaale ee la soo saaray ku jira lacagaha ay heleen kooxaha horyaalka heerka labaad kuwaas oo guud ahan isku helay qiimo lacageed oo dhan 140.8 milyan euros waana lacag markale ka hoosaysa inta ay heshay kooxda kaalinta kowaad ku jirta ee Barcelona!.

Halkan Kaga Bogo Qaabkii Kooxaha La liga iyo waliba heerka labaad Lacagaha Xuquuqda Baahinta TV-ga Loogu Qaybiyay Ee Kulamadii Xili Ciyaareedkii hore Ee 2016/17:

Laakiin lacagtan kuma jirto qiimihii lacageed ee ay kooxuhu ka sameeyeen iibinta tikidhada kulamadii ay garoomadooda ku soo ciyaareen iyo hawlaha ganacsi ee ay sameeyaan oo ay ku jirto iibinta garmaanta kooxahooda.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *