Arsene Wenger Oo Xaqiijiyay Saxiixii Ugu Horeysay Ee Arsenal Ee Bishaan Janaayo Iyagoo La Soo Wareegaya Daafac 20 Sanno Jir Ah

Arsenal ayaa kala soo wareegi doonta daafaca Gariiska Konstantinos Mavropanos kooxda PAS Giannina bishaan Janaayo, waxaana ay ka dib ku fasixi doonaan amaah.

Tababare Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay saxiixa 20 jirkaan ka dib barbarihii ay xalayto kooxdiisa Arsenal la gashay Chelsea ee 2-2.

Markii wax laga weydiiyay haddii uu Mavropanos ku soo biirayo kooxda, Wenger ayaa yiri: “Haa, laakiin diyaar uma ahan inuu inoo ciyaaro. Waxaan ku fasixi doonaa amaah.”

Wereder Bremen ayaa la fahamsan yahay inay amaah ku qaadan doonto 20 jirkaan oo qiimaha lagu iibsanayo uu yahay 2.2 milyan ginni.

Mavropanos ayaa wacdarro ka dhigay labada qeyb ee garoonka xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee dhameystiran ee horyaalka Gariiga Super League, isagoo dhaliyay seddex gool 14 kulan uu saftay.

Waxa uu noqonayaa saxiixii ugu horeysay ee Arsenal tan iyo markii uu kooxda yimid ninkii hore ee Borussia Dortmund kala shaqeyn jiray suuqa kala iibsiga Sven Mislintat.

Shaqada Mislintat ayaa ah inuu soo indha-indheeyo da’ yarta tayada leh ee kubada cagta islamarkaana uu ku horumariyo akadeemiga Arsenal si ay uga fogaadaan inay lacago badan suuqa kala iibsiga geliyaan mustaqbalka

 

#laacib net




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *