Waxaa la fahamsan yahay in Philippe Coutinho uu yahay bartilmaameedka ugu weyn ee suuqa jiilaalka Barcelona, wuxuuna Bartomeu ku qasbanaaday inuu balan qaad maalgalin ah sameeyo markii uu kooxda ka tagay Neymar Junior si aysan ciyaartoyda darajada sare ee kooxda u niyad jabin isla markaana uga fakarin daciifnimada kooxda.

    Intaas waxaa sii dheer in kooxda u baahan tahay iney hesho badalka Javier Mascherano, inkastoo ay ciyaartoyda safka hore ka walaacasn yahiin tayada ciyaartoyda lagu soo dari doono kooxda.

     

    Inkastoo kooxda uu si fiican u agaasimay isla markaana uu hanaan qurux badan ku maamulay Ernesto Valverde, hadana kooxda waxey ku qasban tahay iney aqbgasho iney weysay xidig muhiim ah, sidoo kalana ay tabeyso tayada xidiga reer Brazil.

    Bartomeu wuxuu cadeeyay inuu suuqa ku celin doono 222 Malyan oo Euro oo ay ka heleen iibka Neymar Junior, kooxdana waxey ku fashilantay iney ka miradhaliso Marco Verratti, Hector Bellerin iyo Coutinho intii lagu jiray suuqa xagaagii tagay.

    Nelson Semedo iyo Paulinho ayaa kooxda lagu soo kordhiyay kuwaas oo meel wacan kasoo baxay, balse wali waxaa maamulka looga fadhiyaa saxiixyadii muhiimka ahaa.

    Waxaa la joogaa January, waana bishii mashquulka suuqa, sidaas darteed Blaugrana waxey xooga saari doontaa sidii ay Camp Nou ku keeni laheyd Philippe Coutinho kaas oo goor hore ka codsaday kooxdiisa in laga iibiyo naadiga ka dhisan Spain

    SHAAKIR AHMED CALI BOODHARI YARE