Conte oo Caro darteed dhulka ku raftay kaddib fursadihii uu xalay Khasaariyay Morata!!+SAWIRRO

Arsenal iyo Chelsea ayaa xalay ciyaar aad u xiiso badneyd ku kala baxay bar baro 2-2 inkastuu Alvaro Morata khasaariyay 3-fursadood oo sahlan.

Xiddiga ugu qaalisan Chelsea Alvaro Morata ayaa khasaariyay fursad uu goolhayaha ula tagay qeybtii hore taa oo uu hogaanka ugu dhiibi karay Blues, dhinac ayuu marsiiyay kaddib markii uu u soo baxay goolhaye Cech.

Advertisement

Dhaliyaha reer Spain ayaa markale dhaafiyay kooxdiisa fursad kale uu hogaanka ugu dhiibi karay kaddib markii uu birta kor marsiiyay kubbad waji ka waji ah.

Waxaa arrinka sii xumeenaya in waqtigii dhimashada uu Bellerin bar bareeyay Blues iyadoo uu Morata xitaa helay fursad kale uu guul ku siin karay Chelsea.

Shaashadaha ayaa soo qabtay Conte oo caro dartiis dhulka ku guur guuranaya kaddib fursadihii uu ka khasaariyay Morata.

“Kulankaas, marka aad aragto inaad lumineyso fursado waa wayn aad kulanka ugu guuleysan karto, hubaashii waxaa jiraya niyad jab yar,” Conte ayaa sidaa u sheegay SkySports.

“Laakiin niyad jabkeygu wuxuu la mid yahay midka ciyaartoyda, Waan wada guuleysanaa, bar baro ayaan wada galnaa waana wada guul darreysanaa.

“Waa murugo, maxaa yeelay waxaan u qalannay inaan guuleysano kulanka.”.

SAWIRRO:

Antonio Conte furious with Alvaro Morata after Chelsea striker's miss vs Arsenal

cont

Antonio Conte furious with Alvaro Morata after Chelsea striker's miss vs ArsenalAntonio Conte furious with Alvaro Morata after Chelsea striker's miss vs ArsenalAntonio Conte furious with Alvaro Morata after Chelsea striker's miss vs Arsenal

Antonio Conte furious with Alvaro Morata after Chelsea striker's miss vs Arsenal




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *