DEG-DEG: Kooxda Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Konstantinos Mavropanos

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiix da,yark Konstantinos Mavropanos oo ay kala soo wareegtay kooxda PAS Giannina.

20 jirka ayaa noqday saxiixiixii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal ee suuqa January kadib markii uu kooxda ugu soo biiray lacag dhan 2 milyan oo euro.

Xiddigan ayaa kooxdiisa PAS Giannina u saftay 15 kulan waxana uu xilli ciyaareedkii hore jabiyay kooxda 1-aad ee kooxda PAS Giannina.

Kooxda Arsenal ayaa haatan xiddigan u raadin doonta koox uu si amaah ah ugu biiro si uu sii wado horumarkiisa.

Wenger ayaa xaqiijiyay in aanu xiddigan haatan u ciyaari karin kooxda 1-aad laakiin ay kooxdu amaah u diri doonto suuqa January




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *