Hal heys laga hayo RW Kheyre oo si aad ah u Qabsaday Baraha Bulshada & Shacabka Muqdisho

MUQDUSHO (RAADGOOB)

Waxaa Todobaadyadan baraha bulshada Soomaalida qabsaday olole lagu dhaliilayo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda “Markii ugu horeysay”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo khudbad socotay in ka badan 30 daqiiqo xilli habeen ah jeediyay 03-dii December 2017, kagana hadlay Waxqabadka Xukuumadiisa mudadii ay jirtay, xilligaasi oo uu si aad ah u isticmaalayay kalmada “Markii ugu horeysay”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadaladii uu yiri waxaa ka mid ahaa “Waa markii ugu horeysay oo amniga Magaalada Muqdisho lagu sugo Xoog, Muruq, Maskax iyo dhaqaale Soomaaliyeed, Waa markii ugu horeysay ee timaada Xukuumad tiraahda si dalkan dhibka looga saaro in la helo shuruuc, Waa markii ugu horeysay oo Miisaaniyadda lagu daro Saddex Milyan oo Dollar.

Xilligaasi wixii ka dambeeyay Kumanaan dhalinyaro ah ayaa baraha bulshada si joogto ah ugu qoraya Hal heyska “Waa markii ugu horeysay” iyaga oo qaarkood Dowladda ku dhaliilaya Hal heyskan inuu yahay mid keliya afka laga sheego, balse aanan la arkin natiijadiisa saxda ah, ereygan waxaa inta badan isticmaala Mucaaradka Dowladda iyo dad si Hal-heys ah isaga isticmaala.

Dhalinyarada qaarkood ayaa Dowladda ku amaanaya Hal-heyskan oo ay ku soo qorayaan baraha bulshada, waxayna sheegayaan in Dowladda ay soo celisay waxyaabo badan oo Dowladihii hore aysan sameyn.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay khudbad ka jeedisay Munaasabad Wasaaradda Maaliyadda ay ku soo bandhigeysay Waxqabadkeeda mudadii ay jirtay ayaa faah faahisay Hal-heyska “Waa markii ugu horeysay”.

Marwo Khadiijo ayaa sheegtay in marar badan la yiri in Dowladda Federaalka ay ku faanto “Markii ugu horeysay” balse waxa ay sheegtay in wax lagu faano aysan aheyn ereygaas, ee uu daba socdo waxqabad.

Wasiir Khadiijo ayaa tiri “Aniga Khadiijo ahaan 200 ayaan soo galay, Baarlamaankii 5-aad ayaan ku jiraa, Xukuumadihii dalka soo marayna waan ka mid ahaa, Waa Markii ugu horeysay oo Miisaaniyadda dalka ay Xukuumad iyo Baarlamaanka ansixiyaan iyada oo uusan sanadka dhammaan, waxaa ka jirta Xukuumadda Xasan Cali Khayre, Waa markii ugu horeysay oo sanadka dhamaado oo shaaqaalaha Dowladda, iyo dhammaan Ciidamada ay heystaan mushaarkoodii, ma cidbaa dafiri karta, qaarkood wuxuu waqtiga ka dhamaaday iyada oo Sideed bilood mushaarkooda ka maqan yahay, Markii ugu horeysay waa wax run ah.”

Dadka qaarkood oo aragtidooda soo dhigey baraha bulshada ayaa waxa ay farta ku fiiqayaan in Dowladda ay u egtahay in wali ay ku jirto jawigii ololaha Doorashada, sidaasina ay ugu wacan tahay in la qoonsado.

Dowladda hadda jirta waa tan heshay taageeradii ugu badneyd ee shacabka meel kasta oo ay joogaan muddo sanado badan kadib ah, waxaana taageerada loo hayo aad looga dareemey baraha bulshada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: