Liverpool Oo Calaamadeysatay Bedelka Coutinho, Mourinho Oo Laga Baqayo Inuu Iscasilo Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Khamiis Ah

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee aan idin kula socodsiino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ay qoreen wargeysyada Yuruba ka soo baxa.

Waxaa furmay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo iyadoo kooxaha kubada cagta Yurub ay isku dayi doonaan inay xoojiyaan kooxahooda qeybta labaad ee xilli ciyaareedkan. Xaqiiqda wararkaan mas’uul kama ah laacib, waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa laga yaabaa inuu iska casilo shaqada kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii uu noqday shaqsi ka go’an kooxda inteeda kale. (Daily Mail)

Mourinho ayaa rajeynaya inuu ka dhaadhiciyo boodhka Manchester United inay dalab 50 milyan ginni ka gdbiyaan difaaca bidix ee Tottenham Danny Rose oo 27 sanno jir ah, inkastoo maamulka United ay weli kalsooni ku qabaan Luke Shaw oo aan boos ka heysan Old Trafford. (The Sun)

Kooxda Inter Milan ayaa dooneysa inay la wareegto xiddiga khaka dhexe ee Man United Juan Mata oo 29 sanno jir ah kaasoo qandaraaskiisa uu dhacaayo xagaaga. (Daily Mirror)

Liverpool ayaa maanta wadahadal ka yeelaneysa heshiiska la filayo inuu Philippe Coutinho ugu wareego Barcelona, iyadoo 25 jirkaan la filayo in lagu iibsado lacag gaareysa 150 milyan euro. (Yahoo)

Kooxda Reds ayaa u caalamadeysatay xiddiga lagu qiimeeyo 90ka milyan ginni ee khadka dhexe ee kooxda Monaco Thomas Lemar oo 22 sanno jir ah inuu yahay xiddiga ay ku bedelayaan Philippe Coutinho. (Daily Mirror)

Tottenham ayaa diyaar u ah inay ka dhigaan weeraryahan Harry Kane oo 24 sanno jir ah xiddiga Ingariis ee ugu mushaharka badan Premier League iyagoo u bandhigaya mushahar gaaraya 200 kun ginni isbuucii. (Daily Mail)

Bayern Munich ayaa xaqiijisay xiisaheeda xiddiga khadka dhexe ee Schalke 22 sanno jirka Leon Goretzka kaasoo lala xiriirinayay kooxda Liverpool. (The Guardian)

Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Emre Can ayaan ka tagi doonin kooxda bishaan Janaayo isagoo wadahadalo qandaraas kordhin ah ku jira inkastoo lala xiriirinayo Juventus. (Sky Germany)

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa doonaya 50 milyan ginni oo uu ku sii adkeeyo kooxdiisa, waxaana diirada u saaran weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez iyo daafaca Real Sociedad Inigo Martinez. (The Sun)

Kooxda hogaamineysa horyaalka ee Manchester CIty ayaaa sidoo kale waxa ay xiiseyneysaa daafaca Barcelona Samuel Umtiti. (L’Equipe)

Kooxda Juventus ayaa dooneysa inay ceshato daafaceeda bidix Alex Sandro oo 26 sanno jir ah ka dib markii lala xiriiriyay kooxaha Manchester United iyo Chelsea (Independent)

Southampton ayaa ugu cadcad inay dib u la wareegto Theo Walcott haddii uu ka tago Arsenal bishaan Janaayo. (Sky Sports)




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *