XOG: C.C.Shakuur oo shaaciyay inuu ka hurdi la’yahay Qorshe halis ku ah oo lagu maleegayo Xafiisyada madaxweynaha & R/wasaaraha Soomaaliya

hargaysa (RAADGOOB)

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ahaana musharax maadxweyne C/raxmaan C/shakuur ayaa si cad oo ganbad lahayn u sheegay in Xafiisyada madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha ay qatar ku yihiin amnigiisa,islamarkaana xitaa u diideen xoriyadiisa uu siiyay dastuurka,sida uu sheegay.

Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo dacwad uga furan tahay Maxkamada racfaanka,ayaa sheegay in Xeer ilaaliyaha Qaranka uu doonayo inuu siyaasadeeyo dacwadiisa,islamarkaana sharcidaro lagu heysto.

” in xoriyadeyda uu isiiyay dastuurka wax loogu dhimo hirgelinta dano siyaasadeed oo ay leeyihiin madaxda xafiisyada Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha” ayuu yiri Siyaasi C/raxmaan C/shakuur.

Maxkamada Racfaanka ayaa shalay go’aan ay ku bur burineyso go’aankii Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku fasaxday C/raxmaan C/shakuur soo saartay,waxaana shalay Maxkamada Racfaanka xaadirin C/raxmaan C/shakuur oo laga sugayay.

Siyaasada Dowladda iyo Siyaasi C/raxmaan C/shakuur ayaa qasan,waxaana inta dacwadiisa socoto siyaasiga lagu amray inuusan dalka ka bixi karin ama safri karin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: