Raadgoob.com
Trump waa “canug, kalsoonina malahan”
January 5, 2018 - Written by admin

Ninka qoray buugga muranka dhaliyay ee ku saabsan Aqalka Cad ee Trump uu ka arrimiyo ayaa sheegay in madaxweynaha “uu ka kalsooni yaryahay qofkasta oo dunida ku nool, sida dadka ay moodaanna uusan ahayn”.

 

hargaysa (raadgoob.com)

Michael Wolff, oo dhowr bilood ka shaqeynayay Aqalka Cad intii buugga uu qorayay, wuxuu ka jawaabayay sheegashada madaxweynaha oo ah in buugga ay ka “buuxaan waxyaabo been ah”.

Qareennada madaxweyne Trump waxay isku dayeen in ay hor istaagaan daabacaadda buugga loogu magacdaray Fire and Fury “Dab iyo Carro”: Wuxuuna ka hadlayaa xaaladda gudaha xafiiska Trump.

Buugga ayaa hadda suuqa soo galay waana la iibinayaa.

Mr Wolff wuxuu telefishinka NBC u sheegay in “dhammaan shaqaalaha Trump ay dhahaan ‘wuxuu la mid yahay canug”.

Wuxuu intaa ku daray: “Waxa ay taasi ula jeedaan in uu markasta u baahan yahay in la quudiyo. Wax kasta isaga ayey ku saabsan yihiin… Ninkan wax ma akhriyo, waxna ma dhageysto. Wuxuu la mid yahay kubad bannaanka uga baxday garoonka.”

Buugga waxaa qeyb ka ah kaaliyihii Trump u qaabilsanaa istiraatiijiyadda, Steve Bannon, oo qeexay “kulan ka dhacay” dhismaha Trump Tower ee New York, oo u dhexeeyay saraakiishii ololihii Trump iyo wiilkiisa iyo sidoo kale Ruushka. Wuxuu shirkaasi ku tilmaamay “qiyaano qaran”.

Sidoo kale wuxuu buugga dhigayaa in Trump uu la yaabay in uu guul ka gaaray doorashadii madaxtinimo.

Mr Wolff wuxuu sheegay in “aysan caadi ahayn” in madaxweynaha Mareykanka uu isku deyay in uu joojiyo daabacaadda buuggiisa.

COMMENTS
Latest News