Xasaasi: Go,aan Uu Jose Mourinho Qaato Oo Real Madrid Ka Caawin Kara In Ay Hesho Saxiixa Goolhaye David De Gea

SPORT (RAADGOOB)

Tababaraha Kooxda Man United Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu Davi De Gea ku qasbo in uu ku biiro kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka England.

Go,aan Uu Jose Mourinho qaato ayaa sabab u noqon kara in uu David De Gea ku biiro kooxda Real Madrid oo saxiixa xiddigan u waalanaysay sanadihii ugu dambeeyay.

Goolhayaha reer Spain ayaa isaga tagi kara kooxda Man United kuna biiri kara Real Madrid hadii uu Jose Mourinho goolhaye Sergio Romero safo kulamada FA Cup-ka ee Kooxda Man United.

David De Gea ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda Real Madrid sanadkii 2015 laakiin ugu dambayn goolhayaha ayaa ku sii negaaday garoonka Old Trafford.

Si Kasta ha ahaatee kooxda Los Blancos ayaa wali xiiso waali ah u qabta xiddiga reer Spain iyada oo aan iska khasaarinayn fursada ay ku heli karto saxiixiisa.

De Gea ayaa u muuqda in uu ku faraxsan yahay kooxda Man United laakiin Goolhayahan ayaa la filayaa in kulanka FA cup-ka kaydka la dhigo laguna soo bilaabo Romero.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in uu goolhayahani isaga tagi doono kooxda hadii uuna Mourinho ku soo bilaabin kulanka caawa ee FA Cup-ka.

De Gea ayaa xilli ciyaareedkii hore dhamaan kursiga kaydka ku bilowday tartankii Europe league ilaa finalkii ay ku qaaday isaga oo ka dambeeyay goolhaye Sergio Romero.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *