Xasaasi: Real Madrid Oo Ku Sii Dhawaanaysa Saxiixa Eden Hazard & Xiddig Oo Mar Kale Ku Kacay Talaabo Ku Sii Dhawaynaysa Los Blancos

Kooxda chelsea ayaa si weyn uga cabsi qabta in ay Xiddiga garabka uga ciyaara kooxdeeda ahna xiddiga ugu fiican ee Eden Hazard waayo doonto dhawaan waliba xiddigu ku biiri doono kooxda Ka dhisan spain ee Real Madrid.

Xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa in uu markii 2-aad diiday heshiis cusub oo ay kooxdu u soo bandhigtay.

Hazard ayaa kooxda kula jira heshiis 2020 dhacay laakiin Chelsea ayaa doonaysa in ay heshiis wakhti dheer ah ka saxiixato mushaharkana u kordhiso.

Dalabkii ugu horeeyay ee ay chelsea miiska u saartay Hazard ayaa ahaa in ay ka dhigto xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda kooxda laakiin xiddiga reer Belguim ayaa diiday xilli wargayska reer France ee RMC uu haatan sheegayo in uu Hazard diiday dalabkii 2-aad.

Hazard ayaa ka war qaba xisaha ay Real Madrid u qabto adeegiisa waxana ay u badantahay in uu sugi doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu u eego in uu Tababare Zidane u soo dhaqaaqoa adeegiisa.

Wargayska RMC ayaa sheegaya in ay Real Madrid kor u qaaday ama ay kordhisay xiriirkii ay la waday xiddiga todobaadyadii ugu dambeeyay xilli uu Conte ka xanaaqsan yahay in uu Hazard haatan qalbiga ku hayo kooxda Real Madrid markii uu diiday heshiiska cusub.

Hazard ayaa ka farxiyay taageerayaasha Blues todobaadkan kadib markii uu sheegay in uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda hadii uu Thibaut Courtois mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda laakiin waxa ay haatan u muuqataa in aan arinta lagu xalin karin inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Hadii uu Hazard u dhaqaaqo Real Madrid xagaaga markaas Garth Bale ayay u badantahay in suuqa la dhigi doona si ay isugu dheeli tiraan qorshohooda suuqa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *